Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Ceel af-weyn.
Posted by abdi on August 31 2016 23:03:00

Dagaal Beeleed shalay ka dhacay deegaanada Dararweyne iyo Dogoble, ayaa sababay dhimashada laba qof oo labada dhinac ka soo kala jeeday.


Extended News

Ceel Afweyn(Hargeysa Online) Dagaal Beeleed shalay ka dhacay deegaanada Dararweyne iyo Dogoble, ayaa sababay dhimashada laba qof oo labada dhinac ka soo kala jeeday iyo dhaawac aan tiradiisa la hubin oo qaarkood ay xaaladoodu culus tahay.

 

Dagaal beeleedkan oo muddo soo jiitamayey isla markaana ay ku dhex jirtay Ergo labada dhinac ah ayaa shalay casarkii gaabnaa faraha ka baxay waxaanay labada maleeshiyo beeleed ku dagaalameen labada aag ee ay wada degaan.

Illaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo faahfaahinaya khasaaraha dagaalkaasi sababay, hase yeeshee waxa uu gabalku dhacay iyadoo uu dagaalku socdo.

Maamulka Gobolka Sanaag ayaa la sheegay inay xalay usoo gurmadeen si ay xabad joojin uga dhex dhaliyaan labada beelood.

Hargeysa Online