Iska-horimaad oo Ciidanka Booliis iyo Dad careysan ku dhexmaray Laascaanood.
Posted by abdi on September 04 2016 22:33:30

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen iska-hor-imaad u dhexeeya ciidamada booliika.


Extended News

 

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen iska-hor-imaad u dhexeeya ciidamada booliika iyo dabley kasoo jeeda degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.Iska-hor-imaadkan ayaa ka dhashay kaddib markii ilaalada taliyaha qaybta booliska ay toogasho ku dileen dhallinyaro, taasoo keentay inuu dhasho kacdoon khasaare xoogan geystay. Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa gacanta u galay dableyda gadoodsan oo ay daba-socdaan shacab careysan waxaana halkaas ku dhintay laba askari, waxaana la gubay gaadiid saldhigga yaallay.Kacdoonkaan oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee Muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhaca ayaa weli ka soconaya, iyadoo laba goobood oo kuwa caafimaadka ah ay sheegeen in meelba saddex dhaawac xabad ah la keenay. Dhanka kale, Khasaaraha ciidanka booliiska ayaan si dhab ah loo hubin, iyadoo ay adag tahay in la helo cid lagala xidhiidho. Waxaana weli iska-horimaadkan dusha ka eegaya ciidamada millateriga. Ugu dambeyn, Kacdoonkan shacab ayaa waxa keenay cadho ay dadka shacabku u qabaan booliiska oo ay leeyihiin, waxay ka gaabiyeen wax ka qabashada ganacsato dhawr ah oo la laayey, illaa haddana aan wax hadal iyo wax ka qabad midna aanay ka arag.

Hargeysa Online