Cumar C/Rashiid oo shaaciyay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada.
Posted by abdi on September 07 2016 00:46:47

Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa shaaciyay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada doorashada sanadkaan.


Extended News

Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa shaaciyay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada doorashada sanadkaan. Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa shalayto Isniintii shaaca ka qaaday inuu u sharraxan yahay doorashada nagu soo fool leh ee dabayaaqada sanadkaan 2016. Sidaa ayuu shaaca ka qaaday asagoo ku sugnaa xafiiskiisa, gudaha Villa Somalia. Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa aabihii al-marxuum Cabdirashiid Cali Sharkaarke uu xilka raisul wazaaraha Soomaaliya soo qabtay ka hor intii uusan noqon madaxweyne. Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa asagu labo jeer noqday Raisul wazaaraha Soomaaliya; waa sanadihii 2009-2010 iyo 2014 ilaa hada.

Hargeysa Online