Madaxweyne Siilaanyo oo go'aamiyay in la kala saaro Doorashada Wakiillada iyo Madaxtooyada.
Posted by ifraax on September 10 2016 23:01:28

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta sheegay in kala saarayo doorashadda madaxweynaha iyo golaha Wakiiladda.


Extended News
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta sheegay in kala saarayo doorashadda madaxweynaha iyo golaha Wakiiladda, kuwaas madaxtooyadda wakhtigeeddii la qabanayo, halka doorashadda golaha Wakiilladana dib loo dhigayo.

Warbixin dheer oo Madaxweynuhu uuu kaga hadlayay Saami-qaybsiga golaha Wakiiladda, cabashadda beelaha qaarkood iyo  go’aamaddii ka soo baxay Asxaabta Qaranka ayaa lagu sheegay inay tahay sababta ugu weyn ee dib loogu dhigayo doorasahdda golaha Wakiiladda.

Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo qoraalkan ku saxeexnaa ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-4240/092016 uu go’aan ka soo saaray go'aanka ay hore ugu soo gudbiyeen Asxaabta Qaranku ee ahayd, Go'aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada..


Waxaanu u dhignaa Goaankaa Mdaxweynuhu Sidan:

1. Inaan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.

2. In dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

3. Inaan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.

4. In la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go'aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Sidaas darteed, Waxaan Xubnaha Golaha ka Codsanayaa inay Ansixiyaan Go'aannadan, si buuxdana u taageeraan.

Ugu dambeyn, kaddib marka uu goluhu ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah go'aanadan xalka u ah xaaladda taagan, waxaan u gudbin doonaa idam Eebe Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guddi uu u saarayo sidii loo xalin lahaa saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka si xal waara loogu helo arrinta muranka ka dhashay ee doorashooyinka golaha Wakiiladda oo beelaha iyo goboladda qaar diidan yihiin inay qaabkan imika ku galaan.

Hargeysa Online