Dabley Hubeysan oo Puntland u dhalatay oo Af-duubatay Gaadhi laga leeyahay Somaliland.
Posted by ifraax on September 10 2016 23:10:42

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay niman dabley ahi afduubeen gaadhi nooca rakaabka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay niman dabley ahi afduubeen gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo uu leeyahay muwaadin reer Somaliland ahi.

 

Sidoo kale waxaa ay wararku intaas ku dareen in dirawalkii iyo rakaabkii gaadhigan saarnaaba ay kaxeysteen dableydaasi, waxaanu gaadhigu ka soo baxay dhanka magaalada Garoowe isaga oo ku soo jeeday magaalada Hargeysa.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in dableydan gaadhiga afduubtey ay ku labisnaayeen direyska ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Ilaa hadana lama oga meel ay la aadeen dableyda af-duubtay gaadhigan iyo rakaabkii saarnaaba.

Waxaanay arrintani ku soo aadeysi xili ay dhawaan la af-duubey midka mida raga ganacsatada ah ee reer Garoowe, iyada oo ay baadhitaankiisa ku daba jiraan ciidanka abniga ee Somaliland.

Hargeysa Online