Munaasibadda Ciidulodxada awgeed waxaanu hambalyo u hawada u marinaynaa beesha Daa,uud ismaaciil(Ciidagale)
Posted by ifraax on September 13 2016 23:09:50

Aniga oo ku hadlaya magaca jaalliyadda beesha Ciidagale ee ku nool dalka Ingigiriiska waxaanu munaasibadda Ciidulodxada awgeed hambalyo.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem. waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.
Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.
Aniga oo ku hadlaya magaca jaalliyadda beesha Ciidagale ee ku nool dalka Ingigiriiska waxaanu munaasibadda Ciidulodxada awgeed hambalyo hawada u marinaynaa ummada muslimiinta ah gaarahaan,shacabka Somaliland gudo iyo debedba,xisbiyada qaranka golayaasha qaranka dawladda Somaliland.
Annaga oo Ilaahay uga baryeyna in ay ku wada ciidaan sannadkan iyo sannadaha ka dambeeya ,farxad,bashabash ,barwaaqo iyo horumar lagu waaro,waxa kale oo aanu Illaahay uga baryeyna in uu kuwa xanuusanaya caafimaad siiyo, maytida janneeyo,kuwa baahan baahida ka dul qaado,kuwa caafimaadka qaba u siyaadiyo kuwa ladan u siyaadiyo iyo nabadgelyada Somaliland haysato u adkeeyo.
Xikmadda looga jeedo ciidaha ciidul fitriga iyo ciidul udxada waxay tahay in ay muslimiintu isugu yimaadaan salaadaha labadaas ciidood si ay isugu bartaan,isku xidhiidhiyaan,isu saamaxaan ,in ay salaamaha iyo boogaadinta kala qaataan isuna gudbiyaan,sida ay u kala jilicsanyihiina isu caawiyaan.
Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diirran oo aanu idin leenahay ku wada ciida caafimaad iyo farxad.
Aniga oo ka faa,iidaysanaya munaasidda barakaysan  waxaan u soo jeedininayaa masuuliyiinta dawladda Somaliland in ay dadka shacabka reer Somaliliand ee jilicsan si gaara uga war hayaan si aanu dambi uga raacin xilka ay dadkooda u hayaan,wakhtigoodana geliyaan horumarka dalka si ay  summad wanaagsan ugu yeeshaan  dalka iyo dadkaba.  
Ilaahay ayaa mahad leh.

Guddoomiyaha beesha Ciidagale deggen UK.
Deeq Cabdi Digale