Shir-Madaxeedkii IGAD ee Muqdisho oo lasoo Gunaanaday.
Posted by ifraax on September 13 2016 23:19:05

Shir-madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya. 


Extended News

 

Shir-madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya. Bayaanka Shirka IGAD ka soo baxay oo ka koobnaa 22-qodob, ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Wasiirradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed Jabriil kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; In loo xaqiijinayo Somalia Madax-bannaanideeda dhul, mideeda siyaasadeed iyo tan guud ee Midnimada Soomaaliya. Sidoo kale, Shirka IGAD wuxuu soo dhaweeyay warbixinta Madaxda Dowladda Somalia ay ka siiyeen madaxdii shirka joogay hannaanka doorashooyinka ee sannadkan 2016-ka, taasoo ay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid ay dadka oo dhan ka qayb-qaataan. Qodobbada kale ee War-murtiyeedka, ayaa Waxaa ka mid ahaa in madaxda IGAD ay isku raaceen in Arrimaha Soomaaliya looga dambeeyo sida xasilinta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dalka. Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga mahad-celiyay horumarka ay ka sameysay dhismaha maamul goboleedyada, isla markaana sida ugu dhaqso badan lagu dhameystiro dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Xukuumadda Somalia ayaa loogu baaqay inay doorashadu noqoto mid cad oo aanu shaki ku jirin, isla markaana AMISOM ayaa lagu boorriyay inay bixiso wax walba oo fududeyn kara doorashada, gaar ahaan dhinaca ammaanka si ay dadku doorashada uga qayb-qaataan. Dhanka kale, Waxaa Kulan Gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay hakinta Jaadka ee ay Dowladda Federaalka Somalia toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday inay hakisay. Ugu dambeyn, shir jaraa’id oo ay wada-qabteen Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen in dib loo furo ganacsiga Jaadka Kenya ka yimaada ee Somalia loo iib keeno, sidoo kalena Kenya ay muddo saddex bilood ah uga baaraan-dagto sidii loo joojin lahaa baaritaanka dadka Muqdisho ka dhoofa ay ku sii maraan degmada Wajeer ee Kenya.

Hargeysa Online