Diyaarad kuwa Qaadka Keena ah oo shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha Bardaale.
Posted by ifraax on September 18 2016 18:34:01

Mid ka mid ah Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya ayaa la sheegay inay shil ku gashay maanta Degmada Bardaale oo ka Tirsan Gobolka Bay.


Extended News

Mid ka mid ah Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya ayaa la sheegay inay shil ku gashay maanta Degmada Bardaale oo ka Tirsan Gobolka Bay, iyadoo wararku sheegayaan inay shilka gashay xilli ay cagaaha dhiganaysay Garoonka.War ay baahisay Wakaaladda Wararka Somalia ee SONNA aya lagu sheegay in diyaaradda ay lasoo daristay cillad dhanka farsamada ah, kaddibna waddadii ay ku cararaysay ka baxday. Sidoo kale, Wararka ayaa wuxuu intaas ku darayaa inaanay jirin cid khasaare kasoo gaartay shilka diyaaradeed, iyadoo xilligaas ay garoonka ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Garoonka Bardaale ayaa ah mid aan si wanaagsan u dhisnayn, waxaa ku daga oo keliya diyaaradaha Jaadka ka keena dalka Kenya, sidoo kalena waxaa isticmaala ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya oo ay sahaydu uga dagto. Degmada Bardaale ayaa wxay ka mid tahay Degmooyinka gobolka Bay ee uu gacanta ku hayo maamulka Koonfur-galbeed oo kaashana Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM. Ugu dambeyn, bishan horraanteedii ayay ahayd markii Dowladda Somalia ay rasmi ahaan u fasaxday in Jaadka Kenya ka yimaada uu si toos ah uga soo dago dhamaan garoommada Soomaaliya, kaddib xaryiraad toddobaad maalmood ah oo la saaray.

Hargeysa Online