Dibadbax looga Horjeedo sheegashada Kenya ee Badda Somalia.
Posted by abdi on September 21 2016 21:15:53

Dibadbax ballaaran oo looga horjeedo sheegashada dowladda Kenya ay sheeganayso qayb ka mid ah badweynta Somalia.


Extended News

Dibadbax ballaaran oo looga horjeedo sheegashada dowladda Kenya ay sheeganayso qayb ka mid ah badweynta Somalia, laguna taageerayay dadaallada Dowladda Federaalka Somalia ee ku wajahan dacwadda badda ee ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Netherland ayaa ka dhacay maanta Muqdisho.

 
Banaanbaxa oo ay soo abaabushay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qayb-galay Boqollaal ruux oo ku Qaylinayay erayo ka dhan ah sheegashada Kenya ee Badda Somalia, waxayna dadkan mareen qayb ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Muqdisho.
“Waxaan maanta u taagannahay Qorraxda oo aan u dibadbaxayno waa inaan Dunida Tusno in Badaha iyo Barriga Soomaaliya aysan jirin cid qaadan karta ama iibsan karta. Dhulka Somalia waa hanti Qaran mana jirto cid laga yeelanyo inay taako ka mid ah qaadato,” ayay yiraahdeen qaar ka mi ah Dibad-baxayaasha oo la hadlayay Warbaahinta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana la hadlay Dibad-baxayasha ayaa sheegay in aysan jirin Cid iibsan karta Badda Soomaaliya, isla markaana aysan shacabka Soomaaliyeed marna Aqbali doonin Damaca Guracan ee Kenya ku dooneyso qayb ka mid ah biyo-badeedka Soomaaliya.


Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay in Natiijo Dhaxal-gal ah ay kasoo baxdo Dacwadda la xiriirta badda ee iminka ka socota Maxkamadda Caddaalada QM ee Hague, taasoo u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

Hargeysa Online