Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Somalia oo Khudbad ka jeedayay Shirka Qaramada Midoobay.
Posted by ifraax on September 25 2016 19:15:00

Wasiirka arimaha dibada Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayo Xaaladda Somalia ka jeediyay Shirka Guud ee QM.

 


Extended News

 

Wasiirka arimaha dibada Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayo Xaaladda Somalia ka jeediyay Shirka Guud ee QM ee ka socda Xarunta QM ee New York. C/salaan Hadliye, ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ku jirto Xaaladda Somalia, wuxuuna xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageeraan sidii Al-shabaab Deegaannada ay weli ka taliso looga saari lahaa. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xusay in caalamka looga baahan yahay inay u midoobaan la-dagaalanka Al-shabaab, isagoo xusay in Dowladda Somalia ay ka go’an tahay in ay Al-shabaab diiradda saarto, iyadoo kaashanaysa ciidanka Midowga Afrika ka socda ee AMISOM. Wasiir Hadliye, ayaa khudbaddiisa kaga hadlay horumarka ka jira Somalia, isagoo xuay in dalku markaan u baahan yahay maal-gashi Caalami ah si uu uga soo kabto dhaqaalo-yarida jirta. Isagoo dhanka kalena ka hadlay Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka dhawaan wuxuuna xusay inay Dowladda Federaalka ka go’an tahay in doorashadan ay noqoto mid ka madax-bannaan musuq-maasuq. Dhanka kale, Wasiirka ayaa is-bedelka cilimada iyo dhaqaaloexumida soo wajahday qaar ka mid ah Waddamada Caalamka, isagoo ka Dalbaday Xubnaha Kulanka QM ka Qayb-galaya inay meel uga soo wada-jeestaan arrintaas. Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa shirka Guud ee Qaramada Midoobay ku metelaya Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo aan sannadkan ka qayb-gelin sababo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkan.

Hargeysa Online