Maxkamadda Hargeysa oo laba Qoys oo isku haystay wiil ku kala Saartay DNA.
Posted by ifraax on September 25 2016 19:39:47

Maxkamadda Degmadda Hargeysa, ayaa Go’aan ka gaadhay dacwad muddo sanad ah ka socotay oo ah  laba qoys.


Extended News

Maxkamadda Degmadda Hargeysa, ayaa Go’aan ka gaadhay dacwad muddo sanad ah ka socotay oo ah  laba qoys oo isku haysteen wiil lix iyo toban jir ah oo qoys waliba ku doodayey inay dhaleen.

Guddoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa, Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer Geel) ayaa dacwadan labada qoys isku haystaan inay dhaleen wiilkan u gudbiyey dhakhaatiirta si baadhitaan loogu sameeyo hido-sidaha DNA loo yaqaan, kuwaas oo kala cadeeyey waalidka dhalay wiilkan.
Maxkamadda Degmadda Hargeysa waxa ku sugnaa laamaha dambi baadhista, dhakhaatiirtii soo baadhay hidaha sidaha wiilkan iyo labadda qoys ee isku haystay.
Ugu horeyn dhakhtarka baadhitaanka ku sameeyey ee loo gudbiyey Dr:Axmed Xaashii ayaa sheegay inay baadhitaan dibadeed u direen hiddo sidayaasha labaadda qoys iyo wiilkan, waxaanu sheegay inay soo baxday wiilkan waalidkii dhalay.
“Waxaanu ka qaadnay dhiiga dhinaca kowaad Jaamac Maxamuud Cali iyo Hooyo Aaasiya Mataan Maxamuud, hooyada markii lagu eegay waxa lagu horeynayaa hooyadda, markii dhiiga hooyada Aasiya iyo dhiigii wiilkan la isku haysto la isku eegay Aabo Jaamac Maxamuud na lagu eegay aabonimada , waxa soo baxday qiyaas la leeyahay ma aabaa mise maaha, qiyaastii uu aabaha wiilkaasi ku noqon lahaa wuxuu noqday Eber, waa darafka koowaad, hidihii laga qaaday aabo Jaamac Maxamuud iyo Hooyo Aasaya Matan lamay mid noqon hido sidihii ilmaha ee laga qaaday “ayuu yidhi  Dr:Axmed Xaashi oo baadhitaanka shaybaadhka dhiigaga Hiddo sidayaasha ka waramaay, waxaanu sheegay in qoyskaasi hore aanay ilmaha dhalin.
Baadhitaanka labaad ee wiilkan 16 jir ah iyo qoyskan kale lagu eegay isagoo ka hadlaya dhakhtarku waxa uu yidhi  “Daraftka labaad, Jawaahir Cabdi Diiriye ayaa iyana laga qaaday dhiigeedii hooyonimo iyo Aabo Abdirashiid Dirir Cali, labadan lamaanana waxa la eegay dhamaan sadex iyo tobankii  hidesidayaal ee hooyadda iyo Aaabaha ugu eekaan lahaayeen wiilkan lix iyo toban jirka,wuxuu noqday qiyaastii ka soo baxday labadda dhiig (waalidka iyo ilmaha la isku haysto) 99.99 oo la micno ah boqolkiiba boqol inay dhaleen waalidkani ilmahan, hiddo sidayaashii laga qaaday Aabo Cabdirashiid Dirir iyo hooyo Jawaahir Cabdi Diiriye waxay la mid noqdeen hiddo sidihii laga qaaday wiilka”
Intaas kaddib, Guddoomiyaha Maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer Geel ayaa ku dhawaaqay go’aankii ugu dambeeyey ee maxkamaddu ugu xukuntay qoys ka mid ah labaddii qoys ee isku haystay.
2016925636103697810102985009723344.jpg

201692563610369823480285900991233334.jpg

2016925636103698529297898maxkamadda20degmadda1.jpg

Haddaba, maxkamaddu waxay ku qanacday cadeynta shaybaadhka dhakhtarka ee hido sidaha (DNA), iyadoo ilmaha da’diisu ahayd lix iyo toban jir, iyadoo dhakhtarku cadeeyey in 99.9 inuu la tafiir yahay aabo Cabdirashiid Dirir Cali iyo Hooyo Jawaahir Cabdi Diiriye, sidaas darteed maxkamaddu waxay ku qanacday una aqoonsatay maanta oo bishu tahay 24/9/2016, labada eedeysanne aabo Jaamac Maxamuud Cali iyo hooyo Aasiya mataan Maxamuud dambiilayaal si badheedh ah u sheegtay ilmo aanay dhalin, waxaanay si wada jir ah ku qafeen qodobka ah 287 xeerka ciqaabta guud oo lala akhriyo qodobka 71aad ciqaabta guud oo ah ka been sheegid iyo ka been abuur ilmo aanay dhalin oo ay si wada jir ah ugu qafeen waxa lagu xukumay min saddex sanno oo xadhig ah, iyo ganaax lacageed oo ah min saddex milyan oo shilin Somaliland oo wada socda”.
Talaabadan ay maxkamaddu la kaashaday dhakhaatiirta ayaa noqonay mid yaraysa is qabqabsiga caruurta, taas oo adkayd wakhtigii hore sidii lagu kala saari lahaa, waxaana noqonaysa mid si fudud loo ogaado tafiirta ilmaha la isku haysto.

 

Hargeysa Online