Diyaarado Duqeymo ka Fuliyay Bariga Gaalkacyo.
Posted by ifraax on September 29 2016 02:18:32

Diyaarado Dagaal ayaa Duqeymo Xooggan ka geystay Deegaan Dhinaca Bariga uga aaddan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.


Extended News

Diyaarado Dagaal ayaa Duqeymo Xooggan ka geystay Deegaan Dhinaca Bariga uga aaddan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo la sheegay in lagu dilay tiro ka badan 20-qof, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Duqeymo loogu geystay ciidamadooda meel ku dhaw deegaanka Jeexdin oo 25-km dhaka bariga ka xigta magaalada Gaalkacyo. Waxayna xuseen in weerarka sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal oo maamulkooda uu lahaa.Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed), ayaa isagana sheegay inay Tirada ku dhimatay gaarayso 22-qof, ayna ku dhaawacmeen 16 ruux oo kale oo uu ku sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamadooda.Sidoo kale, Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarkan lagu dliay Askar ka tirsan Ciidamadooda ay ahaayeen kuwo ay iska kaashadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo ciidamada Puntland.Guddoomiyaha Galmudug ee Gobolka Mudug, Xirsi Yuusuf Barre ayaa wuxuu sheegay in ciidammada Galmudug ee weerarkaas lagu dilay ay biyo dhaamin u sameynayeen dad reer guuraa ah, weerarkana uu dhacay xalay saqdii dhexe.Maamulka Puntland, ayaan dhankiisa weli ka hadlin weerarka ka dhacay deegaan u dhexeysa Jeexdin iyo Godad oo Maamulka Galmudug ku eedeynayso ciidanka Puntland iyo diyaaradaha Mareykanka ee saldhigga ku leh garoonka Gaalkacyo ay ka fuliyeen.Ugu dambeyn

2016928636106537216710944duqeyn_diyaaradeed_mudug207.jpg

 

2016928636106537541693173duqeyn_diyaaradeed_mudug201.jpg

2016928636106538366385529duqeyn_diyaaradeed_mudug203.jpg

 

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa yadoo abaaro ay ka jiraan Deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, halkaa oo ay shacabka ku nool ka cabanayaan abaaro xooggan iyo biyo la'aan.

Hargeysa Online