Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo la kulmay Soomaalida Minnesota.
Posted by abdi on September 30 2016 23:26:51

Safiirka Dalka Maraykanka ee Somalia, Spephen Schwartz ayaa Shalay Kulan la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gobolka Minnesota.


Extended News

Safiirka Dalka Maraykanka ee Somalia, Spephen Schwartz ayaa Shalay Kulan la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gobolka Minnesota, isagoo horay ula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Magaaladda Seattle-Washington.

 

Danjiraha oo kulankii shalay ka hor la hadlay dadyow kala duwan Jaamacadda Minnesota, hasa yeeshee kulankii shalay wuxuu ahaa mid gaar u ah Soomaalida. Spephen Schwartz oo ay wehliyeen xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa intii ay ku sugnaayeen Minneapolis soo booqday xarunta madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida ee Minnesota, Labada Suuq ee waa-weyn oo ay ku Ganacsadaan Soomaalida deggen Minnesota. Kulankii shalay oo ay kasoo qayb-galeen xubnaha Jaaliyadda ayaa ka dhacay xarunta dhaqanka Dadka Swedish-ka ah oo ku taalla Koonfurta Magaalada Minneapolis, Waxaana ugu horreyn Halkaas Hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Abdi Warsame oo ah guddoomiyaha Dagmada Lixaad ee Minneapolis. Intaas kaddib, Waxaa isagana Warbaxin koobana siisay Danjiraha wafdigiisa C/rashiid Sheekh Cali oo ka mida Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida, Waxuuna uga warbaxiyay danjiraha horumarka Soomaalida Minnesota iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen Gobolka. Dhanka kale, Waxaa ka hadlay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz oo ka mahad-celiyay soo dhaweynta, waxuuna ka hadlay Qodobbo ka mid ah siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya sida; Amniga, Taakulaynta Ciidamada iyo kuwo kale, Waxaana si taxadar leh uga hadlay duqeymihii ka dhacay dulleedka Gaalkacayo oo uu sheegay inuusan war xaqiiqo ah ka hayn siday wax u dhaceen. Safiirka Mareykanka ee Somalia, ayaa intaas kaddib la Weydiiyay Su’aalo kala duwan aad kaga boqan doontaan muuqaalka fiidiyowga ah ee la socda warbixintan. Ugu dambeyn, Xalay ayaa waxaa Casho-sharaf loogu sameeyay maqaayada East Village, taasoo ay ka qayb-galeen wakiilka rugta ganacsiga Somalia ee Maraykanka, Amino Jama Deeble, iyadoo Danjiraha iyo Wafidigiisuna ay aad ugu amaaneen Soomaalida ku dhaqan Minnesota iyo Horumarada ka muuqda dhinacyada Ganacsiga iyo ka Qayb-galka Siyaasadda Gobolka.

Hargeysa Online