Booliiska Burco oo soo xidhxidhey Dhalinyaradda Dadka Baadha.
Posted by abdi on October 01 2016 23:06:13

Magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa sheegaya in ciidamada booliska gobolka togdheer hawl galo ay bilaabeen ay ku qabqabteen.


Extended News

Wararka naga soo gaadhaya magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa sheegaya in ciidamada booliska gobolka togdheer hawl galo ay bilaabeen ay ku qabqabteen dhalinyaro tiro badan oo ay sheegeen inay koox koox u socdeen.


Ciidamadan ayaa la sheegay in ay qabanayeen labadii dhalinayaro ah ee wada socdaba iyaga oo xabsiga u taxaabayay,waxaana sida naloo sheegay saldhigyada magaalada burco buux dhaafiyay dhalinayro u badan rag oo ay soo qabqabteen ciidamada booliska gobolku.

Dhalinayaradan ayaa markii ay saldhigyada ugu tageen waalidkoodii dhalay waxa ay taliyayaasha saldhigyadu ay ku xidheen shuruud ah in waalid kastaa uu wiilkiisu xidhan yahay bixiyo uu bixiyaa Ganaax, hadii kalena loo taxaabayo saldhigyada gobolada kale ku yaala lana xukumayo. Gabagabadiina maaha markii u horeysay ee tanoo kale ay ka dhacdo magaalada burco,hore ayaa waxa u jirtay dhalinyaro koox koox ah oo jidkooyo u gala dadka isla markaana baadha,waxaana ay la baxeen magacyo kooxeed ay kamid yihiin Daacish Iyo Boko-Xaraam,balse hawl galo badan oo ay ciidamadu sameeyeen kadib waxa la baabiiyay dhalinyaradaasi,iyaga oo na xabsiyada loo taxaabay dhalinyaradaasi.

Hargeysa Online