Markii lay ged-bixi-waayey oo xaajo igu baahdey!!!
Posted by ifraax on October 02 2016 07:32:31

Waxa maanta Lagu dhawaaqay kiiski dacwada khilaafka UCID , Runtii waxaan ka yaabay aan lasii yaabay kana yaabay, labadi garab ee khilaafka UCID.


Extended News

Khilaafka UCID Hogaanka sare ogu wacnaa !!! 

Go'anka kama dambaystuna wa hogaanka sare ????!!!

Waxa maanta Lagu dhawaaqay kiiski dacwada khilaafka UCID , Runtii waxaan ka yaabay aan lasii yaabay kana yaabay, labadi garab ee khilaafka UCID oo mid kastaaba guul iyo farxad sheeganayo, meeshaa aan anigu arki waayay wax haba yaraato aan guul ku sheego !!!!

Go'ankii Gudida Diiwaan Galinta wuxu ahaa go'an cadaalad ku salaysan oo ka talinayay wanaaga Xisbiga UCID , runtii go'aan aan eexasho lahayen ayoo ahaa o labada dhinacba kala saarayay laakin maanta goa'anka maxakamadu waa go'aanki Burburka Xisbiga UCID.

Go'anka Gudidada Diiwaan Galintu wuxu ahaa mid faraya labada dhinac inay ku qabsadaan Shirweyne ay ku dhamayes tiri doonaan heshiiska qabyada ahaaa , labada dhinacna laga soo xolo 5 qof noqon doonta Gudida qabanqaabada Shirweynaha, iyaga o isgarabsanaya Gudida Diiwaan Galinta o noqon doonta marjaca loo noqon doono markasta.

Go'aanka Maxkamada Sare maanta wuxu ahaa mid ah been go'a lagu daday !! Waxa lagu faray Xisbiga UCID inay ku qabsadaan Shirweynahoodi 60 cisho gudohood taas o ka bilaabmaysa maanta 25.09.2016- 25.11.2016 ???!! Go'aanka kalena wuxuu ahaa in Go'aanka kama dambaysta ah ay marjac o noqon doonaan Hogaanka Sare ee Xisbiga UCID ???!!!!

Khilaafka UCID Waa halkiisi o wax xal ah looma sameeynin laakin si dadban ayaa Xisbiga UCID lagu aasay!!! Becuase :

1-  60 cisho shirweyne lagu qaban doono marku maanta ka bilaabmu 25.09.2016-25.11.2016 o ku eegayahay , haddii doorasho la qabanayo waxa ka hadhsanaanaya waqtigi doorashada waa 3 bilood which means UCID waqti ay wax ku qabsan karto maba jiro?? Taasina waa cadayen in UCID la wiiqay !!

2- Go'anka kama dambaysto waa Hogaanka Sare ee Xisbiga UCID ??? Taasina waa wax qalad weyn ku ah dhamaan Masuulinta xisbiga UCID iyo Taageerayshaba Gudaha iyo Dibeda Somaliland , Waayo Hogaanka Sare Xisbiga UCID waa Hogaanki laftigiiso kow ka ah khilaafka Xisbiga UCID !!!!

Waxaan ka idhi aniguna :

                        Inta Gololo ciilani

                        Gobantahay aduunaydu

                        Ragna aan garawshiyo

                        Laga hayen gudoon dhabaa

                        Ileen noloshu guul ma leh

 

Allaah deeq baxshee Dulmiga Cadaalada ka daaya !!

 

Samia Muse