Dowladda Somalia oo sheegay inay Weerar lagu dilay qaar ka tirsan Al-shabaab.
Posted by ifraax on October 05 2016 22:55:46

Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa sheegtay in hawlgal ka dhacay Deegaanka Lambar 50 oo gobolka Shabeellaha Hoose a ka tirsan.


Extended News

Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa sheegtay in hawlgal ka dhacay Deegaanka Lambar 50 oo gobolka Shabeellaha Hoose a ka tirsan, halkaasoo lagu dilay xoogag ka tirsan Al-shabaab.


Wasiir ku xigeenka Difaaca Somalia, C/lla Xuseen Cali oo warbaahinta DFS la hadlay ayaa sheegay in dulleedka deegaanka Lambar 50 lagu dilay 14 ruux oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo isugu jiray saraakiil iyo dagaalyahanno.
“Hawlgal ay ciidanka xoogga Sommalia ka fuliyeen deegaankaas waxaa lagu dilay 14 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, waxaa looga furtay hub badan,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.
Dhanka kale, Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in laga gubay baabuur ay wateen, wuxuuna xusay in kooxahan la dilay waxay doonayeen inay weerar qorsheysan ka geystaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
Ugu dambeyn, Ciidanka Kumaandooska Somalia oo gacan ka helaya ciidanka Mareykan ayaa dhawaan hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobollada Somalia, kuwaasoo ay ku beegsadaan Al-shabaab.

Hargeysa Online