Ma Dhab-baa In uu Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Puntland uu Xisbiga Ucid ka Noqonayo Murashax Madaxweyne ku-xigeen.
Posted by xaaji on October 09 2016 20:33:21

General Cabdisamad  Cali Shire oo hore u ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii  hore ee Puntland oo mudooyinkii ugu danbeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa.


Extended News

 

Hargeysa(Hargeysa Online)General Cabdisamad  Cali Shire oo hore u ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii  hore ee Puntland oo mudooyinkii ugu danbeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa Ilo xogogaal ahi sheegayaan in wadahadalo u socdaan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in Xidhiidho hoose ay wada sameyeyn Cabdisamad Cali Shire iyo Faysal Cali Waraabe waloow aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ay isla meel dhigeen basle ilowareedyadu  waxay intaasi ku darayaan  in Faysal doonayo  in Janaraalku  ku soo biro xisbiga isla markana uu ka mid noqdo hogaanka sarre ee xisbiga.
Dadka Siyaasada u dhuundalool ayaa tilmaamay in hadii uu General Cabdisamad  Cali Shire ku biro xisbiga UCID ay guul weyn u noqondoonto xisbigaasi, madama Siyaasigani  la sheegayo in uu sameyn weyn ku leeyahay Gobolada Bariga ee uu ka soo jeeddo.

Hargeysa Online