Xabaalihii Boqol jiray oo Daad Qaaday iyo dayaca Lafahii Xabaalaha.
Posted by abdi on October 14 2016 22:53:30

Xabaalaha xaafada Boqol-jire ee duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa gabi ahaanba dadkii xabaalahaasi ku aasnaa intoodi.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xabaalaha xaafada Boqol-jire ee duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa gabi ahaanba dadkii xabaalahaasi ku aasnaa intoodi badneyd qaaday daadka roobabkii kala danbeeyay ee todobaadkii ugu danbeeyay ka da’ayay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

 
Waxaana gabiyada uu daadku soo dumiyay ka muuqday qalfoofkii lafihii dadka halkaasi ku aasnaa , sida muuqatayna badi dadkii meeshaasi ku asana in yar mooyaane intooda badan wuu qaaday, daadkii meeshaasi soo maray.

 
Goobta ay xabaalahani ku yaalan ayaa ah goob biyo mareena, waxaanay saldhig u tahay laagta ka timaada dhanka Isha Cobasha oo xooga biyaha halkaasi soo maraa ay ka soo rogmadaan.

Mana jiraan wax xayn daab ah oo dadka meeshaasi ku aasan ka duwayaa biyaha laagtan ka soo rogmada, waxaana loo baahan gurmad deg dega oo lala gaadho inta ku hadhay xabaalahaasi.

 


Hadaba wasaarada hawlaha guud guriyaynta iyo gaadiidka , wasaarada diinta iyo aw-qaafta, dawlada hoose, iyo ta dhexeba, dadka eheladoodu goobtaasi ay ku aasan yihiin iyo cidkasta oo muslin waxaa loo baahan yahay in ay soo eegaan goobtaasi una gurmadaan.

Walaalayaal dadka goobtani ku aasani waa dadkeeni, waa dadkiini, waa walaalaheen, awoow-yaasheen, iyo hooyooyinkeen ee aan meel uga soo wada jeesano sidii dhakhso loogu gurman lahaam, maada maalintii Ilaahay keeno ee roob da,aba uu daadku qaadayo.

 

Gudida loo xil saaray inay dayactiraan xabaalahaasi si aanu daadku u qaadin ayaan kaba warqabin, oo iyagu aan ogeyn saameynta ay ku yeesheen daadkii dhawaan ka da’ay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Hargeysa Online