Puntland oo mar kale soo Magacowday Xubnaha u Tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Posted by abdi on October 16 2016 22:08:06

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa mar kale magacaabey xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ee Baarlamanka cusub.


Extended News

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa mar kale magacaabey xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ee Baarlamanka cusub, kaddib markii cabasho ka timid qoondada ay ku leeyihiin Haweenka oo aanan ku caddeyn Musharaxiintii Aqalka Sare ee dib loo celiyay.


Xubnahan Aqalka Sare ee Puntland ay maanta magacowday oo looga dhawaaqay Xarunta Baarlamaanka Puntland, iyagoo isla maanta sameeyay Guddigii Doorashada Aqalka Sare ee Puntland, kaddib kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen.
Sidoo kale, Xubnaha Aqalka Sare ee lagu dhawaaqay ayaa waxaa ka maqan guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlmaanka Somalia, Cawad oo markii hore ku jiray iyo Yaasiin Cabdi-seed oo shalay sheegay inuusan danaynay ka mid noqoshada Xubanaha Aqalka Sare.

Haddab,a Xubanaha Musharraxiinta Aqalka Sare ee Maamulka Puntland iyo Xubnaha la Tartami doona ayaa waxay kala yihiin;
1. Saynab Xaashi Biixi, Waxaa la Tartami doona -  Shukri Aadan Maxamed iyo  Xaawo Caynab Cabdi.
2. Hodon Maxamuud Cismaan, Waxaa la Tartami doona - Basro Cumar Geele.
3. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Waxaa la Tartami doona - Aamino Aadan C/llaahi
4. C/raxmaan Maxamed Faroole, Waxaa la Tartami doona - Cabdi Mahad Abshir Cismaan.
5. Siciido Xassan Cismaan, Waxaa la Tartamaya -Axmed Cabdala Tigaana, Siciid Max'uud Aadan iyo  Maxamed Maxamuud Cali Bile,
6. -Cabdirisaaq Xassan Cismaan Juurile, Waxaa la Tartami doona - Hodon Ismaaciil Cilmi.
7. Maxamuud Axmed Maxamuud, Waxaa la Tartami doona - Faadumo Siciid Maxamed.
8. Maxamed Siciid Xirsi [Moorgan], Waxaa la Tartami doona; - Maxamuud Cali Siciid iyo Bootaan Bare Samatar.
9. Cabdixakiin Axmed Xaashi, Waxaa la Tartami doona - Mahad Daahir Sheekh Nuur iyo
C/qaadir Faarax Shaaciye.
10. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, - Shukri Cabdullaahi Maxamuud iyo  Farxaan Cali Xusseen.
11. C/salaam Xaaji Maxamuud Dheere, Waxaa la Tartami doona; -  Siciid Maxamed Cali iyo Faarax Cawad Jaamac.

Hargeysa Online