Waxaan leeyahay Aqalka Sare ha la baabi’iyo Soomaaliyana iminka way ka sii daraysaa
Posted by abdi on October 16 2016 22:27:19

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia loo sameynayo.


Extended News

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia loo sameynayo, isla markaana ujeediyay in Aqalkaasi dhibaato u keeni karo Nabadeynta Soomaaliya.


Inj. Faysal Cali, ayaa sheegay in aqalkaasi sare ee hadda la samaynayaa uu Soomaaliya ka abuuri doonno khilaaf hor leh, isla markaana soo jeediyey in aqalkaasi la baabi’iyo.
Hadalkan wuxuu ka sheegay maanta mar uu kasoo laabtay safar uu ku maqnaa Waddanka Jabuuti, waxaana garooonka Hargeysa kaga hortagay Taageerayaasha Xisbigaasi UCID ee magaaladda Hargeysa.
“Maanta waxay yiraahdeen Aqal sare ayaanu samaynaynaa oo 54-xubnood ka kooban, iyo lix dawlad goboleed oo ay inagana igu dareen, soomaalidii kale oo dhan waxa la siiyey 32 xubnood, laba iyo labaatan xubnood waxa la siiyey cid gaar ah, marka waxay doonayaan inay xeer samaystaan ay awoodda oo dhan golahaasi siiyaan, waxayna doonayaan inay mar kale soomaali qasanto, waa taa ka bilaabantay turtaba Gaalkacyo, Shacabka Galmudugna waxaan leeyahay Gaalkacyo ma ahan Kaashmiir ee waa Mudug ee xad yaan loo samayn, waxaad isku tihiin inan iyo abtigii ee degmada yaan xuduud loo kala samayn,  Somaliland waaan leeyahay cid Soomaaliya ku ma matasha ma jirto, madasha waxan maamulaysaa waa koox isku reer ah iyo inyar oo Ajanabi ah oo maskaxda ay ka xadeen, waxaan leeyahay gurigaasi sare ha la baabiyo , Soomaaliya imika way ka sii daraysaa oo reer walba xaduduud baa loo sameeyey,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey aqalka sare ee Soomaaliya yeelanayso oo uu ku tilmaamay fidmo hor leh iyo khilaaf dambe oo abuurma.
Ugu dambeyn, Inj. Faysal ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Somaliland waxa uu sheegay in loo baahan yahay madaxweyne Somaliland oo dhan mideeya oo shaqo abuur u sameeya dhalinyaradda, waxaanu yidhi “Somaliland  mar ka aan u imaaddo waxa loo baahan yahay Somaliland yaa midaynaya, yaa isku keenaya, yaa dhallinta shaqaaleysiinaya, Somaliland way taqaanaa Qof waliba wuxuu gashaday, Wax kale oo aan soo dhaweynayaa odayaashii buuhoodle fadhiisatay ee wada hadaladda Somaliland inay la galaan  ogolaatay ee soo dhoweeyey, kooxdii KHaatumo ee nabadda qaadatayna waan soo dhoweynaya siyaasi aan dan lahayn kursi mooyee yaan la raacin, shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga UCID waynu qabsanayna musharaxiintii baanu ku soo saaraynaa kii wadanka khayr u leh ayaanu ayaa soo bixi doono insha alla.

Hargeysa Online