Donald Trump oo Doodiisa Caawa ku Casuumay Nin la dhashay Barack Obama.
Posted by ifraax on October 19 2016 22:23:35

Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka, Donald Trump ayaa ku Casuumay Nin ay Walaalo yihiin - Mmadaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama.


Extended News

Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka, Donald Trump ayaa ku Casuumay Nin ay Walaalo yihiin - Mmadaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama inuu ka mid noqdo Martida ka Qayb-galeysa Doodda Sadaxaad ee ugu dambeysa ee uu Donald Trump caawa Las Vegas kula yeelanayo Murashaxa ay is-hayaan ee Xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton.


Malik Obama oo ah Muslim haysta dhalashooyinka Mareeyka iyo Kenya ayaa u sheegay Wargeyska New York Post, inuu ku faraxsan yahay ka qeyb qaadashada dooda wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in Donald Trump uu Mareykanka isbadal u keeni doono.
Bishii July, wuxuu sheegay inuu u codeyn doono xisbiga Jamhuuriga, wuxuu ku eedeyay madaxweyne Obama in uusan wax u qaban dadka Mareykanka iyo qaraabadiisa Kenya ku nool oo rajo ka qabeen inuu wax badan u qabto markuu xilkii madaxweynaha qabtay.
Sidoo kale, Malik Obama ayaa beeniyay eedeymaha ay Dumar u jeediyeen Donald Trump ee ahaa inuu ku xad-gudbay. Isagoo yiri. ''Ma rumeysani taas waayo maxay xilli hore isu soo bandhigi waayeen?"
Hadalladaas, kaddib Musharrax Donald Trump ayaa u sheegay jaraa'idka in uu jecel yahay inuu la kulmo Malik Obama
Madaxweyne Obama walaalkii waxa uu isku deyay inuu siyaasadda ku biiro kaddib markii Sannadkii 2013 u tartamay kursiga barasaabka gobolka Siaya ee dalka Kenya.
Barack H. Obama wuxuu ku dhashay Gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka. Hooyadii waa Mareykan abahiisana waa Kenyaan dalkiisa ka tagay isagoo laba sano jir ah.
Ugu dambeyn, Madaxweyaha Mareykanka Barack H. Obama wuxuu booqday dalka Kenya Sannadkii hore, booqashadaas oo ahayd middii u horreysay tan iyo markii uu madaxweyne uu ka nqoday dalka Maraykanka Sannadkii 2009-kii.a

Hargeysa Online