Trump oo loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka.
Posted by abdi on November 09 2016 22:52:16

Donald Trump ayaa loo doortay inuu Madaxweyne cusub ka noqdo Mareykanka, kaddib guul lama filaan ah uu ka gaaray doorashadii.


Extended News

Donald Trump ayaa loo doortay inuu Madaxweyne cusub ka noqdo Mareykanka, kaddib guul lama filaan ah uu ka gaaray doorashadii dalkaas ka dhacday ee lagu soo xulanayay Madaxweynaha cusub.

Trump oo ahaa musharraxa xisbiga Jamhuuriga uga qaybgalay doorashada Madaxweynaha ayaa ka adkaaday musharaxii Xisbiga Dimuquraadiga ee Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay ku guuleysanayso doorashada sannadkan ee dalka Mareykanka. Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa helay 276 cod oo ka badan dhibcihii loo baahnaa si loogu guulaysto madaxweynennimada oo ahayd 270-cod oo keliya. Warbaahinta Mareykanka, ayaa Sidoo kale Tabiyey in Hillary Clinton ay kula Hadashay Donald Trump, ayna u xaqiijisay in looga adkaaday Doorashadii Mareykanka ka dhacday ee at ku tartamayeen.

Hargeysa Online