Soomaaliya oo safaaradeedii Yemen ka rartay Sanca oo geysay Cadan.
Posted by abdi on November 09 2016 23:16:18

Dawlada Soomaaliya ayaa safaaradeedii Yemen ka rartay caasimadii Yemen ee Sanca una rartay Cadan.


Extended News

Dawlada Soomaaliya ayaa safaaradeedii Yemen ka rartay caasimadii Yemen ee Sanca una rartay Cadan.

Cadan ayaa haatan ah caasimada kumeel gaarka ah ee Yemen ee dawlada sida waziirka arimaha dibada ee Yemen uu asbuucaan sheegay. Dawlada Yemen ayaa wakaalada wararka ee dalkaa ee SABA u sheegtay in tillaabada Soomaaliya ku dhaqaaqday lagu taageerayo dawlada xaqa ah ee Yemen.


Dawlada Yemen ayaa haatan waxaa madaxweyne ka ah Cabdu Rabbi Mansuur Haadi waxaana arinkaasi muujinayaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal u dhexeeya. Caasimadii dalkaa ee Sanca ayaa waxaa qabsatay fallaagada shiicada ah ee Xuutiyiinta sanadkii 2014. Dawlada Soomaaliya ayaan wali faahfaahin dheeraad ah ka bixin tillaabadaa lagu geeyay safaaradii Soomaaliya magaalada Cadan. Sanadkii hore ayaa wadamo badan oo Carbeed sida Sacuudiga, Qatar, Kuwait, Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn iyana safaaradahooda geeyeen Cadan si loo taageero dawlada madaxweyne Cabdu Rabbi Mansuur Haadi. Dalka Yemen ayaa colaadi ka jirtay laga soo bilaabo dhammaadkii sanadkii 2014 markii Xuutiyiintu qabsadeen Sanca.

Hargeysa Online