Jamaal Xusseen dacwad ka dhan ah Feysal Cali Waraabe ka furaya maxkamada sare.
Posted by ifraax on November 11 2016 21:18:34

Garabka xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen, ayaa si weyn uga hor yimid shirkii xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe lagu doortay musharaxa xisbigaasi.


Extended News

Garabka xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen, ayaa si weyn uga hor yimid shirkii xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe lagu doortay musharaxa xisbigaasi, waxaanay sheegeen in xafiiskooda ciidan la dul dhigay oo loo diiday inay galaan.

 

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in uu saddex dacwadood ka furan doonno maxkamadda,kuwaas oo kala ah dacwad Faysal Cali Waraabe ah, mid hay’adihii shirkiisa u diidda iyo dacwad ah sababta loo fulin waayey qaraarkii ka soo baxay maxkamadda.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in aanu quusanayn,isla markaana xusay in xafiiskiisa UCID ciidamo lagu xeeray oo loo diiday inay galaan, taas oo uu ku tilmaamay mid aanu ogolaanin doonin.

“Waad ogtihiin xafiiskii UCID ciidan baa ku wareejisan, Somaliland dulmi iyo cadaalad daro tii ugu iimaanka darnayd ayaa shalay ka dhacday, xukunkii maxkamaddu soo saartay sideedii looma fulin,
maxkamaddu waxay tidhi shan iyo shan inay labadda garab kala yeeshaan, waxaana lagu ansixinayey heshiiskii oo boqolkiiba sagaashan fulay, waxay ahayd waa in lagu ansixiyaa heshiishkaasi oo looga jeeddo in gacanta loo taagaa, waxa la yidhi shan iyo shantii ha laga shaqaysiiyo taasi may dhicin, ee shir uu faysal kaligii soo muluq maluuqay ayuu ku baaqay, gudida diiwaangelintu waxay sheegtay in labadda shir ee aanu ku baaqnay uu khalad ahaa, hadana nasiib daro  inay guddidii diiwaangelintu inay warbaahinta soo fadhiisteen yidhaahdeen shirkii sharci buu ahaa, hadda maalintii hore ee shirka lagu ansixinayey heshiisha mabay joogin caalamkana may dhicin cid aan shirkii goob joog ka ahayn inay ka hadlaan oo ku tilmaamaan shir cadaalad u dhacay”ayuu yidhi Jamaal oo ka hadlayey cadaalad daro uu sheegay in lagula kacay.

Waxaanu intaas ku daray “Awooda siiyey in dhinac kale shir qabsado oo la yidhaa waa sharci waa cadaalad daro, tobankan xubnood ee labadda garab soo xulayeen waxay qabanayeen qabanqaabadda shirka iyo ergooyinka imanayaa inay yihiin kuwii 2012-kii joogay iyo in kale oo la hubiyo, ergooyinka Faysal u fadhiyey in aanu ahayn kuwii 2012 fadhiyey ilaahayna wuu ogyahay umadiisuna way ogtahay, waa khalad intuu heshiishkan oo la wada ogaa inuu afar yaryar intuu shir soo fadhiisiiyo yidhaahdo heshiishkii baanu diidnay, waxaasi wax aanu aqbalayno maaha, waxa aan sheegayaa ee kale heshiishkii aanu wada galnay waa kii ku faanayey inuu na khiyaameeyey.”

Jamaal Cali Xuseen oo tilmaamay in dacwad ka furan doonaa maxkamadda, waxa uu yidhi “Waxaan la tashan doonaa looyaraddii halkaasi waxa ka soo bixi kara in saddex dacwadood ku dacwoonno  mid waa Faysal Cali Waraabe oo kaligii ah inuu na khiyaameeyey oo uu tuug yahay, talabaad
waa hay’adda dawladda ee naga hiiliyey ee shirkayagii naga hor joogsaday ee shirkiisiina u fasaxay, taasina waa dacwad noo gaar ah, Dacwadda saddexaad waxa weeyi go’aannkii maxkamada oo aan sideedii loo fulin, maxkamaddu waxay tidhi shirweyne aan caadi ahayn  ha la sameeyo, labadda garabna min shan xubnood ha iska soo xulaan hana yimaadaan ergooyinkii 2012-kii, waa saddex dacwadood oo noo banaan, marka maxkamaddu ha is qaawiso ama yaanu is qaawin”.

Arrintan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Faysal Cali Waraabe loo doortay musharaxa xisbiga ee uga qaybgalaya doorashadda soo socota, taas oo garabka Jamaal Cali Xuseena aad uga cadhoodeen, maadaama oo shirkii xisbiga UCID qabsaday lagu laalay heshiishkii Jamaal Cali Xuseen lala galay.

Hargeysa Online