Wafdi uu Hoggaaminayo RW Somalia oo Gaaray Gaalkacyo.
Posted by ifraax on November 12 2016 23:07:09

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw gaaray magaalaad Gaalkacyo.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw gaaray magaalaad Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, isagoo ku biiri doona wadahadallada looga xaajoonayo colaadaha Gaalkacyo oo ka furmi doona goor-dhaw magaalada Gaalkacyo. Wafdiga RW Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah xubno isugu jira Wasiirrada Xukuumadda iyo xildhibaanno, waaxana sidoo kale saakay Gaalkacyo Gaaray Ergayga QM ee Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating. Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa horay ugu sugnaa Madaxweynayaasha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo markii ugu horreysay ku kulmaya Gaalkacyo tan iyo markii Colaaduhu ay dib uga soo cusboonaadeen magaaladaas. Sidoo kale, Qodobbada looga hadli doono wadahadallada oo ka furmaya Garoonka C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo, ayaa Waxaa ka mid ah; In Dagaalka la Joojiyo, in Ciidamada la kala qaado iyo laba qodob oo kale oo muhiim u ah joojinta dagaalka.

Hargeysa Online