Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Dhawaan ku Dhawaaqaya Tirada Guud ee isku Diwaangalisay.
Posted by ifraax on November 13 2016 00:16:41

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa la Filayaa in Dhawaan ku Dhawaaqan Tirada Guud ee qaatay kaadhka Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)  Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa la Filayaa in Dhawaan ku Dhawaaqan Tirada Guud ee qaatay kaadhka Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda ee la Filayo in ay qabsoonto bisha Marich ee 2017.


Warar aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa tilmaamay in gudida  Doorashooyinka kala Hufeen oo ay kala  haadiyeen Tiradii iska diwaangalisay Dalka oo dhan isla markana Serverkii uu  kala shandheyey dadkii wax ka badan Hal mar isdiwaangaliyey.

Gudida Doorashooyinka ayaan si cad u sheegin wakhti rasmiga ah ee ay ku dhawaaqayaan Tirada Guud ee Dalka iska diwaangalisay iyo waliba marka hoos loo sii dhaadhaco Tirada Gobol wal iyo Degmo walba iska Diwaangalisay, iyada oo laga duulayo Lixdii Gobol ee Hore ayaa wararka  hor dhac ahi  tilmaamayaan in Gobolka Maroodi-jeex markii Diwaangalintu bilaamantay aad looga dayrinayey sidii loogu soo baxay diwaangalinta basle  imika u uu muuqdo in Tirro badani iska diwaangalisay oo ay ka badan tahay intii markii hore la saadalinayey, wararku waxay intaasi ku darayaan in Qiyaas ahaan dadka Somaliland iska Diwaangaliyey ay tiradoodu ku dhawaanayso illaa Hal Milayn oo Qof,

Dhanka kale Gudida Doorashooyinka ayaa bilihii u danbeyey sii libinlaabay Shaqaday qaranka u hayaan iyaga oo doonaya inta aanu sannadku dhammaan in ay daabacaan Kaadhadhka Diwaangalinta isla markana loo qaybiyo dadkii isdiwaangaliyey.

Hargeysa Online