Isku soo bax Nabadeed oo ka dhacay Minneapolis Gobolka Minnesota.
Posted by ifraax on November 14 2016 21:25:47

Dibad-bax nabadeeed oo lagu muujinayo muhiimada Wada-noolaanshaha, loogana soo Hor-jeedo Faquuqa iyo Islaam-naceybka.


Extended News

Dibad-bax nabadeeed oo lagu muujinayo muhiimada Wada-noolaanshaha, loogana soo Hor-jeedo Faquuqa iyo Islaam-naceybka, ayaa ka dhacay beerta nasashada ee Loring Park ee Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota. Kulanka oo lagu magac daray, Sanbuusa Sunday (Axad), ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyay Xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, Hay’adda Minneapolis Foundation iyo Duqii hore ee magaalada Minneapolis R.T. Rybak.

2016111463614702156977993714993567_10211099857555095_523113070335728853_n.jpg

2016111463614702188089775314953893_10211099856995081_3068572945244657438_n.jpg

2016111463614702240138062915027638_10211099857515094_2994481677741311905_n.jpg

2016111463614702296070951615036190_10211099857195086_3761131673056761372_n.jpg

2016111463614702389150915015095452_10211099857155085_2097579720490123552_n.jpg

2016111463614703338131965015036245_10211099856235062_4890667714526380162_n.jpg

Dadkan isku-soo-baxay oo kor u dhaafayay illaa 500 ruux, ayaa lagu sooray Saanbuus iyo shaah Soomaali, Waxyaalaha Dadka Soomaaliyeed ay Minnesota ku soo Koridhiyeen ayaa waxaa safka hore uga jira Saanbuus, dadkaan ayaa qaarkood la hadlayay Jaaliyadda iyagoo tusay garab istaaga dhankooda una muujiyey in aan waji soo dhaween iyo farxad ka muuqato. Waxaad Arkayeysay Dadkan jinsiyadaha kaladuwan oo qaarkood ay xabadka xabadka isku saarayeen iyagoo dhoolacadeen saaidana isku muujinaayay. Ugu dambeyntii, Waxaa laga dheehan karayay dadkii xalay goobtaa isagu yimid farxad iyo midnimo dhankooda ah.

 

Hargeysa Online