Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Raashin Iyo Biyo Gaadhsiisay 1600 Oo Qoys.
Posted by ifraax on November 14 2016 21:49:05

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Deeq iskugu jirta biyo iyo raashin soo gaadhsiisay 1600 Qoyis ,oo ka mid ah dadka ay abaaraha ba`an.


Extended News

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Deeq iskugu jirta biyo iyo raashin soo gaadhsiisay 1600 Qoyis ,oo ka mid ah dadka ay abaaraha ba`an soo gaadheen oo ku nool deegamada gobalka Saraar.

Deeqadan waxaa soo dhiibay shirkadda Sahiminta shiidaalka gobalkaasi ka waday ee Genel Energy International ,isagoo qeybaha raashinka iyo deeqadan ka Hadaleen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ,agaasimaha guud ee Wasaaradda Masuul ka socday shirkadda Genel Energy iyo Badhasaa Gobalka Saraar .

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo deeqdan raashinka iyo biyaha iskugu jira ka

hadalay ayaa sheegay "Halkan waxaan maanta u nimi in aan idinla baroor diiqno idninla eego xaaladka adag ee deeganku ku suganyahay ,wixii aan sidnaana waa dhiig-joojin hawlo badan baa maqan ,halkan maalinta maanta ah dhacday ee abaarahan baahsan ee gobolo badan ku baahsan ,gurmad weyn bay u baahantahay iyadoo taa laga duulayo shirkadda Genel iyo saddex shirkadood oo kale oo dalk dagan arji balaadhan ban u qarnay taleefanaan u dirnay "

wasiirka oo socdaalkisan waxa uu daaranyahay ka hadlaya ayaa sheegay in ay dhiigjoojin u yimaadeen xaalda deegankana ay u kuurgalayaan waxa ka jira "Deeganka Waridaad ku xeeran iyo Bali caraale ayaan dhigaynaa 1600 oo qoyis oo raashina ah iyo ilaa 60 booyadood oo biya ah ayaan ku qeybinayanaa deegaanka ".

1926.jpg

3761.jpg

4709.jpg

6560.jpg

7482.jpg

8431.jpg

9368.jpg

11417.jpg



geesta kale Gudoomiyaha gobalka Saraar Cali Maxamed Faarax iyo Maayirka Damada waridaad cabdi Qani Saleebaan gaas Gudoomiyaha Bali Caraale iyo cuqaasha iyo waxgaradka kale duwan ee labadda Magaalo ayaa si rasmi ah ugala wareegay deeqdaasi Wasiirka waxaanay dhamaantood carbaka ku dhufteen inuu yahay Masuulkii koowaad ama wasiikrii kowaad ee deegankan so eegay waxaanay Wasiirka iyo SHirkadda Genel Energy-ba uga mahad naqeen sida hagar la`aanta ah ee aygu diir naxeen shacabkooda ay abaartu tabaalaysay .

Gudoomiyaha gobalka Saraar Cali Maxamed Faarax oo la wareegay Deeqadda ayaa mehed balaadhan u soo jeediyey wasiirka iyo shirkadda Genel waxanu baaq dheer u diray dhamaan bulshaweynta somaliland in ay abaartan baahsan kaalintooda ka qaataan .

Masuul shirkadda Cabdi Cabdilaahi "hawshan waxay ku timid Wasiirka waxaa uu qayla dhaan faray oo la dhexgalay shaariga uu Wasiirka u yahay oo ay ka mid tahay shirkadan Genel Energy waxaa uu u sheegay meelihii ay rajada ka qabeen in lagu dhimanaayo in lagu baaba`ay,in lagu haraaday, arrintaa darteed way ka soo jawaabeen oo tanina dhiig joojin bay ugu soo wakiisheen Wasiirka " Cabdi Cabdilaahi ayaa sido kale sheegay tiradda raashinka iyo biyahaa waxaanu yidhi "shirkaddu guud ahaan waxay ku deeqday 1600 oo qoyis raashinkood oo Saraar loogu talo galay iyo 60 booyadood oo biya ah .

 

Hargeysa Online