Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab oo hada ka socda gobolada hoose.
Posted by ifraax on November 16 2016 00:33:10

Ugu yaraan 15 Ruux ayaa ku dhintay, Tiro kale oo ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.


Extended News

Ugu yaraan 15 Ruux ayaa ku dhintay, Tiro kale oo ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Somalia iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkan oo socday saacado, ayaa dhinacyadu waxay ka sheegteen Guulo, inkastoo aysan weli si rasmi ah u cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta oo kusoo beegmay iyadoo ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa ay ka baxeen bishii hore. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada DF Somalia ay kala kulmeen Al-shabaab iska-caabin xoog leh, ayna Ciidamada Dowladda Somalia awoodi waayeen inay qabasdaan degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool. Xidhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo Dagaalkaan uga waramay BBC-da, ayaa sheegay inuu Maanta dhacay Dagaal khasaare badan dhaliyay, isla markaana uusan sheegi karin khasaaraha dagaalkan ka dhashay inta uu le’eg yahay. Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee ka Hawl-gala Gobolka Bakoool oo isna la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in dagaalka ay uga dhinteen lix askari, isla markaana ay Al-shabaab ka dileen kontomeeyo ruux. Dhanka kale, Goob-joogayaal ku sugan Aga-gaarka Degmada Tiyeegloow oo war-baahinta la hadlay, ayaa sheegay inay arkeen dhimashada illaa 15 qofood, oo ka mid ah Dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay, dhaawacyaduna ay tiro dhaafeen. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay Dhankeeda inay Ciidan badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ku dishay Dagaalka, isla markaana ay degmada Tiyeegloow ay weli gacantooda ku jirto.

Hargeysa Online