Kol hadaan midig u dhacay Bidixdana baalaya kuma ogi !!
Posted by abdi on November 17 2016 08:29:00

Anigu hadaba waxaan ahay neefki lagawracay ee islaantu ku tidhi midig udhac deedna yidhi Bidixdaba baalaya kuma ogi !!

 


Extended News

Anigu hadaba waxaan ahay neefki lagawracay ee islaantu ku tidhi midig udhac deedna yidhi :

Bidixdaba baalaya kuma ogi !!

Ucid Waxaan ku Badalayaa Wadani ama Kulmiye ? Maanta maaha arintu ee waxay tahay maxay ku kala dowan yihiin ?? Maxaan se ku raaci karaa Wadani ama Kulmiye ?

Siyaasada maanta waxaan ogu mahad celinaya inaan casharo fara badan u wax ku qaadasha leh ka bartay runtiina waa habka qofku ku noqon karo Siyaasi.Marku duufanada siyaasda ee maalinba cayna ah ka muujiyo dhabar adayg dhabaa!

Waaad kaca kofaysaa ,waad liicliicaysaa laakin aakhirka waad istaagaysa.

Markii aan siyaasada soo galay waxaaan ahaa qof aad sensitive u ah dolqaadkuna ku yaryahay waayo umaan baranin xag xagashu siyaasadeed iyo rafaad ! Laakin maanta waxaan noqday qof Siyaasada u bisil u fahmi kara waaqaca jira !

Siyaasadu marna waa guul marna waa guul darro laakin waxay geesinimadu markasta ku jirtaa qofkii labadaba adkeesigeeda lahaada kuna dadaala sidii u isbadal u sameen lahaa .

Siyaasada waa hab wax lagu badalo laakin maaha hab wax lagaga aarsadu ! Siyaasadu is reeb reeb way leedahay u waa fan iyo xirfad u siyaasigu adeegsan karo iyaduun lahayen aflagaadu iyo ceeb laakin hab siyaasadeed ku dhici kartaa!

Anigu isbadal doonka waxaan rabaa ino noqdu mid jiha leh wanaagsan u waliba lagu sixi karo qaladaadka siyaasiga ah ee aan u aragnu inay caqabad ku noqon karto hanaan socadka Dimoqraadiyada !

UCID :

Wuxu noqday xisbi saaxada ka baxay waxaano cadaystay ino awalba ahaa NGO markaa qofki lahaa ayaa xaq u lahaa ! Waanu ku mahadsanyahay inoo qirtay wax kastaba laakin anaga cashar ayay noo noqatay u waxaan ka baranay nin Geel aanu laheen ag jooga waa qalad waayo beri buu ku odhan anaa leh.!!

Wadani iyo Kulimiye :

1- Waxay wadaagaan Xil qaran waayo Waa Dawladi iyo Barlmaanki markaa maxaan ku raaci kara kagana hadhi karaa ??

2- Wadani Waa Xisbi Mucaarad ah Murashaxiisu waa Godomiyahay Barlmaanka Somaliland , Barlmaanku waa Xukuumada , Xukuumadanua waa Xisbul Xaakim , Xisbul xaakim waa KULMIYE. !!!!!!!

3- Kulmiye Murashaxiisu waa Godomiyaha KULMIYE , Waana Xisbul Xaakim , Xisbul Xaakim waa KUMIYE !!!!!!

4- Kulmiye iyo Wadani iyo Hantidii qaranka :

- Wershadi Sibidhka

- Warshadi laydhka

- Haamaha Shidaalka

- DP World

A- Kulmiye Wareejinta Hantida Qaranka !

B- Barlamaaknana Ansixinta Wareejinta Hantida Qaranka !

C- Godomiyaha Barlamaaka waa Murashaxa Xisbiga Wadani ?????!!!

 

SAMA KU WAAR SOMALILAND <3

Wa billaahi tawfiiq inshaa Allah

 

#samiamuse2017