Maxkamadii Minnesota ee wiilashii Daacish lagu eedeeyey oo lasoo Gunaanadey.
Posted by abdi on November 17 2016 23:14:53

Waxaa minnesota  lagu soo gabagabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd wiilasha Soomaaliyeed ee loo heystay inay xiriir la yeesheen Daacish. 


Extended News

 

Waxaa minnesota  lagu soo gabagabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd wiilasha Soomaaliyeed ee loo heystay inay xiriir la yeesheen Daacish. Mid ka mid ah wiilashaa ayumbaa Oromo ah inta kalena waa Soomaali. Dacwada oo maxkamad magaalada Minnesota kutaala ay qaaday ayaa waxaa lagu xukumay 9 dhallinyaro ah. Dacwadaha oo dhageysigoodu soo socday 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dhallinyaradaa waxaa lagu xukumay min hal sano ilaa 35 sano oo xarig ah. Guuleed Cali Cumar-35, sano oo xarig ah Maxamed Cabdixamiid Faarax, 30 sano oo xarig ah C/Raxmaan Yaasiin Daauud, 30 sano oo xarig ah Cadnaan Faarax, 10 sano oo xarig ah Xamza Cumar (wiilka Oromada ah), 15 sano Cabdirisaaq Warsame, 30 bilood oo xarig ah C/Laahi Yuusuf, 1 sano oo xabsi guri ah iyo 20 sano oo dhaqdhaqaaqiisa lala soconaayo.

Hargeysa Online