Ugas A/rahman wuxuu u xidhanyay Bashe Morgan.
Posted by abdi on November 18 2016 02:44:36

Amarka lagu soo xidhay Ugas A/rahman Deria waxa bixiyey Baashe Awil Morgan waxana fuliyey Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Amarka lagu soo xidhay Ugas A/rahman Deria waxa bixiyey Baashe Awil Morgan waxana fuliyey Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha oo sadex dooduba ay isku jifo yihiin ( Cimran ). Cadaalada madaxtooyada kaga quuso Ugas A/rahman Deria oo xabsiga lagu dhigay maxay beeshu uugu biirtay xisbiga Waddani. Markii maanta maxkamada rafcaanku xoriyadiisa u soo celisayna Ugas A/rahman waxa mar labaad amar siiye bileyska Bashe Morgan oo yidhi ku celiya xabsiga. Horta xukunka Somaliland ka taliyaa waa noocaa caruurtu Ugaas yada xidhayaan. Jamac Biin isagu waa nin marka horeba dulmigu oogada uuga soo baxay oo macsi badan oo waa wuxuu jidh kiisa diirku uuga dhacay ee la wada cadaaday. Bashe Morgan isna waa shakhsiga loogu necebyey Somaliland oo damiir xumidiisa guriga Silaanyo oo inamadii madaxweynuhu dhalayba ka koreen oo aduunka u shaqa tegeen ayuu Morgan ku noolyay oo uu gabadh kaga qabaa. Morgan waa ninkii isbaarada dhigtay dekeda Berbera ee ganacsatada baabuurtu ganafka ku dhufatay waa wiilka jaha-wareeka madaxtooyada ka socda oo dhan ka masu’ulla oo sidaa darteed bay bulshadu ku nacday. Hadaba bal in ay xukuumadu dhoohantay oo ay asqo ku jirto xadhiga Ugasku, Kulmiye ma taageera yaal buu u keenayaa mise wuu ka firdhinayaa. Wixii xadhiga Ugaska maqlaaba Kulmiye way ka durkayaan. Ugas kuna iminka ayuu caan sii noqday oo magac cidi ka qaadi karto maaha oo dowlada ayaaba aad moodaa in ay la shaqaynayso oo shaacinayso magaciisa.

Abdi MustafeAbmustafe123@gmail.com