Waxa aad igu ogaataan waxaan ahaan jiray.
Posted by abdi on November 18 2016 02:52:53

Waa Askari ka mid ahaan jiray ciidamadii Faqashta ee hormuudka u ahaa Gen.Maxamed Siyaad Barre.


Extended News

WAXAAD IGU OGAATAAN WAXAAN AHAAN JIRAY

Waa Askari ka mid ahaan jiray ciidamadii Faqashta ee hormuudka u ahaa Gen.Maxamed Siyaad Barre.

Waa Askeri markii danbana u diga rogtay Jabhadii SNM.
Marka daan Ciroole iyo,Raggu maduxu deeb yahay, dirirta isu soo hadho,Warku daaqsin geel tago, waa ruux aan raad iyo raq, mid ku lahayn goobaha naf waaga.

Maalmaalha qadhaadh ee xusuusta wayn ku leh Jabhadii SNM sida:
Dagaalkii waynaa ee Burco duuray.
Dagaalkii xasuusta iyo xanuunka badan ee Buuraha Galbeed ee Hogaaminaayay Abdilaahi Askar
Dagalaakii naafeeyay Cidamadii Dowlada ee wakhtigaa wadanka ka talinaysay ee Buuraha Sheek ee uu hogaaminaayay Dhegawayne.
Dagaalkii la yaabka lahaa ee lagu jabsaday Xabsiga Mandheera ee uu hogaaminaayay LIXLE.
Dagaalkii lagu qaaday Taliskii qaybta 26aad,waa miiskii saraakiisha ee Hargaysa ee uu hogaaminaayay Ibraahim koodbuur.
Iyo kuwa kale oo taariikhda jabhadda ku xusan .
Waa ruux mug iyo muuqtoona aan kulahayn maalmahaa xussuuta wayn ku leh jabhadii SNM.

Askarigu waa Ruux ka dhex muuqda muranka, iyo is-maandhaafka ka dhex qarxa beelaha ISAAQA.

Askarigu waa Ruux qayb mug wayn ku lahaa dagaaladi sida ba’an loogu waxyeeloobay ee sagaashanaadkii dabayaaqadiisii ka qarxay,Hargaysa kuna fiday magaalooynka kale oo dhan.

Ka sakow Qaxii, barakicii ,mood, maal iyo nafaf badanba sababay, waxa Askargi u dheer af-laagadada iyo af-xumada uu ku suntanyahay.

Askariga yeelkii,eraydaa berigaa la wanaagsanaa ee tuutra uu ku qaadan jiray waxaa ka mid ahaa : ANIGOO WAXA DILLI KARA, DUCO QAADAN MAAYEE,DABCI QORIGU HA I FARO.

Akhristow Askargu odhaahdaa hore waxa uu maanta ku bedlay.
ANIGOO WAX DAGI KARA
DIRKII HOOYADAY IYO
ABTIYAASHAY DAA’UUD
DIDDIN MAAYO REEEKAAN
LA DAMCAY MASHRUUCA.

ASKERIGA Waxaan maanta ku leeyahay: DAALIN WAA NIN XEELEE,ANNI IYO DAGNAANTAY.
Wareegtaa waa silsilada.
Adduunyoow xaalkaa ba’a,marbaad xaabka daaqdaa xaragdu ku lumisaa.
Iyadoo arinku halkaa marayo ,ayuu Askerigii waxa si hawl yar uga soo yeedhay.
Abtiyaal maanta waxaan idiinka fadhiyaa cod.
Hadalkaasi waxa uu i xasuusinayaa :
WAXAAN AHAY NIN REER HEBELOO HAWD KA SOO GALAYEE,
HABEEDIIBA KAMA MAYDHANE HAWL YARAA HADALKU.

Adduun howl kama dhamaatee,Ayaa Askarga Abtiyaashii goroda is galiyeen doodiina kolba dhan loo jiiday , qolooyin si wax u sheega,iyo qaar sida kale u dhigaba, kuwo boholyoow, iyo beerjeleec ka muuqdaba.

Is marin waa balaadhan ka dib nin wayn oo tallo qabeen ah ayaa hadlkii u baxay, waxaanu yidhi inanka aynu Abtiga u nahay waxaynu sii naynaa wakhti,taasoo macnaheedu yahay bal aynu dhowrno ayaamo.
Muddo kooban ka dib ayaa Askarigii isaga oo meel fagaare ah ka hadlaaya waxaa uu yidhi: DADKII GEELA DHAQAN JIRAY,KUWII HAWDKA DEGI JIRAY,KUWI GABYI JIRAY. MAANTA IYAGAA DADKA UGA ITAAL DARAN,IYAGAANA UGU LIITA.

Ka dar oo dibbi dhal, HORAA LOO YIDHI BAHAL QAYDHIN MA DAAYO,ASKARINA CAADADII MA BAAJO.
Waa saaca bi saaca,bal Akhristoow adigoo illa jaanqaadaya sheekadan la soco.

Sheeko ka mid ah sheekooyinka Somalidu wariso, loona yaqaano sheeko xariirada ayaa waxaa la yidhi Waraabe ayaa wakhti wakhtyada ka mid ah intuu Binu-Aadamka u tagay, ku yidhi dadow magacan aad ugu yeedhaa, hawl iyo hadimo aan tiro lahayn ayaan ku qabaaye ,ee miyayna ahayn, waan iska bedelay inaad idinkuna magacayga cusub iigu yeedhaan.

Arinkoo halkaa marayaa ayuu Waraabihii Nin ka md ah ragii halkaa joogay ayaa Orgi gowrac labada dhagood ku simay,neefkiina harag ka saaray, dabeed geed agtiisa ah ayuu laan ka mid ah Indhishii uu u sudhay neefkii.
Neefkii oo ka laalada laantii geedka ayuu ninkii neefka lahaa ku yidhi Dhurwaagii,waar meel dhaw baan ka soo noqonayaaye neefkan ii sii dhowr.

Waraabihiina wuu ka aqbaly baa la yidhi dalabki Odayga.

Waxa la yidhi Waraabhii neefkii buu dhowr jeer ku dul wareegaa,haddana waxa uu xasuustaa ninkii odayga ahaa ee ammaanda u dhiibtay, hadana waxaa la yidhi Waraabihii isaga oo neefkii ku warwereegaya afka xoog u kala haya ayuu wuxuu bilaabay inuu carabkii neefkii dusha ka mar-mariyo.

Ilayn waa bixisee Waraabihii markii uu is hayn kari waayay ayuu Laf iyo Ludba neefki uu wada cunay,waxaa la yidh Waraabihii oo labada qowlalba dhiig ka daayo oo sii cararayaa ayaa waxaa la qoray erey dhaxalgal ah.

WUXUU YIDH DHURWAAGII:

DADOOW,DADOW,DADOOW….. WAXAAD IGU OGAATAAN WAXAAN AHAAN JIRAY.

Akhrstoow Askarii markii uu yidh eryadii ahaa
DADKII GEELA DHAQAN JIRAY,KUWII HAWDKA DEGI JIRAY,KUWI GABYI JIRAY. MAANTA IYAGAA DADKA UGA ITAAL DARAN,IYAGAA UGU LIITA.

Waxaa laga hayaa ABTI WAXAAD IGU OGAATAAN WIXII AAN AHAAN JIRAY.
Waxaan qoraalkayga ku soo af-meerayaa cid walba oo qoraalkayganI taabtay oo mootan, waxaan leeyahay yaa asxaabul qubuur waxaan ILLAAHAY idiinka baryaya danbi dhaaf.

Askariga iyo Ragiisa waxaan odhan lahaa, wax walba oo inna dhex maraa waa
Hadlkii ahaa . WAXAAGU AMA XEREDAADA HA KUU JIRAAN, AMA XEER HA KUU GALAAN.
Eng. Abdi Omar Sodani

Denmark

awarmoge@gmail.com