AMISOM oo sheegay inay dileen 6 dabley ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Posted by ifraax on November 19 2016 22:27:48

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay hawl gal ku dileen dableydaa ayagoo kaashanaayay ciidamada dawlada Soomaaliya ee SNA. 


Extended News

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay hawl gal ku dileen dableydaa ayagoo kaashanaayay ciidamada dawlada Soomaaliya ee SNA.  Shalay Jimcihii ayaa AMISOM ay shegeen inay dileen dableydaa meel u jirta 35km Kismaayo.

 
AMISOM waxay sidoo kale sheegeen inay la wareegeen deegaan halkaa ku yaal.
Afhayeenka AMISOM Joe Kibet ayaa wakaalada wararka ee Xinhua u sheegay inay ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buula-gaduud.
Wuxuu intaa ku daray in hub ay ka qabsadeen xarakada Al-Shabaab.  Wuxuu raaciyay in wax khasaare ah uusan AMISOM soo gaarin intii hawlgalku socday.
Xarakada Al-Shabaab durba arinkaa kama aysan hadlin.

 

Hargeysa Online