Jen. Galaal oo ka Warbixiyay Safarkiisa iyo Kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo.
Posted by abdi on November 22 2016 23:35:04

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo nidaamkii Siyaad Barre noqday Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa.


Extended News

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo nidaamkii Siyaad Barre noqday Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland.

 


Jen. Galaal oo waraysi siiyay TV-ga CTV, ayaa sheegay inay Hargeysa kasoo duugsatay burburkii ku dhacay,isla markaana uu muddo badan ku noolaa magaaladda Hargeysa oo uu si fiican u garanayo.
Sidoo kale, Jenraalka ayaa Qiray burburkii baaxada lahaa ee taliskii uu kasoo tirsanaan jirey ee Somaliya u geystay magaaladda Hargeysa uu ku masaalay  burburkii Maraykanku gaadhsiiyey magaalada Heroshima ee dalka Japan.
Mar uu ka hadlay Safarkiisa Hargeysa ku yimid ayaa yiri. “Laba  arrimood baan Hargeysa u imid, waa marka ugu horraysaye Heroshima (Hargeysa) inaan markale arko siday noqotay  waan rabay, way weynaatay, wey dhisantay, laakiin laba dhibaato ayey qabtaa, Biyo la’aan iyo Waddo yaraan, biyihiina way soo socdaan baa la I gu yidhi, labadaas haddii ay xalliso waa wax fiican, waana magaalo weyn oo caasimad ah, laakiin labadaasi intay kala dhiman yihiin weli waxbaa dhiman, midda labaad ee aan halkan u imina waxa ay ahayd gabadh aan dhalay oo halkan lagu guursaday baan arooskeeda imi,”.
“Meesha ugu sarraysa ayaan tegay oo madaxweynaha ayaanu is aragnay, aniguna idinka oo dhalan baan reer Hargeysa ahaa oo waa la iga yaqaan, midda kalena waa la ogyahay inaanan anigu xumaanta Somaliland ka shaqayn iyo dagaalkeeda midna,Maxamed Siyaad wixii uu hoos iigu dhigay waxa kamid ahaa dareenkii aan Somaliland ka qabay” ayu yidhi Maxamed Nuur Galaal.
Jen. Galaal ayaa Wuxuu Saluug ka muujiyey maamuuskii Muqdisho loogu sameeyey taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Cali Samatar oo loo tirinayo inuu masuul ka ahaa dhibaataddii u dhacday shacabka Somaliland, ,“Xasan Sheekh ma aha oo kali ah inuu Been buun buun-buuniyee wuxuu meel uga dhacay oo ku tacaddiyey dadkii uu Cali Samatar dhibaateeyey, waana ninka qarankii Soomaaliyeed dumiyey.”
Ugu dambeyn, Jen. Maxamed Nuur Galaal waa markii ugu horeysay ee uu booqasho ku yimaado Somaliland, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.

Hargeysa Online