RW Sharm'arke iyo safiirka Mareykanka oo ka wadda hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.
Posted by abdi on November 23 2016 00:01:01

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke ayaa magaalada Muqdisho kula shiray safiirka Mareykanka Stephen Schwartz.


Extended News

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke ayaa magaalada Muqdisho kula shiray safiirka Mareykanka Stephen Schwartz. iyo ku-xigeenka danjiraha dowladda Britain oo ay ka wadda hadleen arrimo la xiriira doorashada ka socta qeybo ka mid ah dalka.

 
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in dowladda Soomaaliya gacan ka siiso hirgalinta doorashooyinka iyo adkaynta xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo dhawaan la fillayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowladda sanadkan 2016ka.
RW Sharma'arka ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay dowladda Mareykanka tageeradda ay Soomaaliya la garab tagan tahay, isaga oo sheegay in Soomaaliya hormar ballaaran oo la taaban karo ka sameysay dhinacyda siyaasada iyo ammniga.

Dhinaca kale, RW Sharma'arke ayaa sidoo kale kulan la qaatay safiir ku xigeenka dowladda Britain, islamarkaana ah sii hayaha safaarada, oo siddoo kale ay ka wadda hadleen xiriirka labada dowladood iyo sidda ay Britain gacan uga geysan karto arrimaha la xiriira doorashada..
Ugu danbeyntii, kulankan ayaa imanaya xili deegaannada maamul gobolleedyada dalka ay ka socdaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose oo la fillayo in ilaa dabayaaqadan bishan November  la soo gabagabeeeyo.

 

Hargeysa Online