Dagaalo ka socda degaano ka tirsan gobolka Mudug.
Posted by abdi on November 24 2016 23:58:57

Wararka naga soo gaaraya deegaannada lagu kala magacaabo Dumaaye iyo Dabagale oo ka wadda tirsan gobolka Mudug.


Extended News

 

Wararka naga soo gaaraya deegaannada lagu kala magacaabo Dumaaye iyo Dabagale oo ka wadda tirsan gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa xoogagga Al-shabaab iyo dadka deegaanka.Xiisada colaadeed ayaa salka ku heysa dagaal culus oo shalay ku dhaxmaray deegaanno hoos taga degmada Xarardheere dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah oo ka biyo diiday bixinta waxa Al-shabaab ay u yaqaannaan Zakawaat oo inta badan laga qaado dadka xoola dhaqatada ah.Dagaalka ayaa sababay dhismashada ilaa 7 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii isku horimaadku dhaxmaray.Dadka xoola dhaqatada ah ee halkaa ku dhaqan laakiin aan dagaalka qeybta ka aheyn ayaa walwal iyo cabsi ka muujinaya dagaal mar kale dhaxmara maleeshiyaadka deegaanka iyo Al-shabaab kaasoo saameyn ku yeeshay nolasha dadka reer miyiga ah.Ma jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad gobolleedka Galmudug oo la xiriira xiisadan colaadeed ee laga soo sheegayo deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Hargeysa Online