Qarax maanta lagu dilay waardiyaha Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.
Posted by abdi on November 25 2016 00:09:15

Waardiye ka tirsanaa illaalada Safaaradda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa Maanta lagu dilay Qarax.


Extended News

  

Waardiye ka tirsanaa illaalada Safaaradda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa Maanta lagu dilay Qarax lala eegtay Gaari uu watay oo marayay isgoyska Manaboolyo ee Muqdisho. Guddoomiyaha degmada Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa xaqiijiyay in Waardiyehan gaari uu watay lala beegsaday Qarax, isaguna uu goobta ku Naf-waayay, gaariga oo noociisu ahaa kuwa raaxada ee loo yaqaan Kaarib. Sidoo kale, Guddoomiyaha Axmed Muumin ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qaraxa lagu diliay Waardiyehan loogu soo xirey gaariga. Iyadoo Waardiyehan uu dhaawac soo gaaray, kasoo uu mar dambe u geeriyooday. Ciidamada Dowladda Somalia ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo baaritaanno ka sameyay halkaas, inkastoo aysan jirin cid ay qabteen, mana jirto cid sheegatay in qaraxa ay ka tahay mas'uul. Ugu dambeyn, Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid tahay Dowladaha ka siiya gacanta Dowladda Somalia dhismaha ciidamada sidoo kalena Mashaariic kala duwan ka wadda Soomaaliya. -

Hargeysa Online