Xirsi Caruurtu Yidhi "Cidla Lagaga Guuray"
Posted by ifraax on November 28 2016 09:54:11

SNM Ba rag ku faneen Xirsi "Aniga Kaara ii jiidhay"Tariikh ba rag ku faneen. Xirsi "Aniga buug siyasiyinta Somaliland oo dhan igaga hadlayaan ba layga qoray"


Extended News

Xirsi Iyo Caruurtu Ka Been Sheegay.
SNM Ba rag ku faneen. Xirsi. "Aniga Kaara ii jiidhay"Tariikh ba rag ku faneen. Xirsi "Aniga buug siyasiyinta Somaliland oo dhan igaga hadlayaan ba layga qoray"Wadada Ceerigabo Siilanyo lagu amaanay. Xirsi. "Wadada Waan la leeyahay Siilanyo"Abaaraha loo guurmaday. Xirsi. "Anigu caruur laga guuray ban soo helay"Wa arimo yaable, had iyo jeer in Xirsi meel saraysa arimaha ka qabsado ama wax yaable sheego, dabeecada Xirsi markad uu kuul gasho waxad ogaanaysa, inu uu haysta in aduunkuba isaga mooye aan cid kele jirin. Wa shekhsi ku nool Faanka iyo istusnimada, Wa nin naftisa khalday oo heer isla gaadhay.Wakhtigan abaaruhu dalka ka dhaceen, degaanada abaartu aafaysay waxa sii toos uga hawl galay Xukumada dhexe. Gudiyada Abaaraha. Dawladaha hoose deganada. Haayadaha kheyriga ah.Gadiidleyda.Reer miyiga. Reer magaalka. Shacab weynaha qaybihisa kala duwan. Meel lagu sheegay, ama cid sheegtay caruur laga guuray, ama cid soo heshay lax laga guuray maantana maynan maqal, weligeyna maan maqal manaan arag. Xirsi is-dhiskisa hawada beenta ah ku salaysan bay ka mid tahay arintani. Marku caruuraha uu yidhi wa laga guuray warka kaso duubay. Mu odhan caruurtan ehelkoodi ban la radinaya. Mu odhan musajidada degankan geynaya. Mu odhan dadka deganka ban uu geynaya. Mu odhan dawladaha hoose degankan geyn. Wax tafasila uu ka baxshay ma Jirto. Wuxu yidhi "Caruurta wa laga guuray, Waxay nagu khasabtay in aanu timir siino" Ujedaada Xirsi ka leeyahay arintan, Ee uu uu ceebaynaya uu fadeexadeynaya qoyskan iyo hoyadi caruurtan dhashay, Wa "Hero" ha lagu moodo.
Shekhsiyadisa waxad ka arkaysa hadalku ka yidhi xafladi Xusbiga Wadani iyo isbahaysiga Kulmiye ku bahoobayeen. "Aniga aad Ba lay hadal hayeye markan wasiirka aha, imikana wa lay hadal hayn doona"Gabaygi Maxamud Daalin AHUN Wuxu yidhi.Faan kuuma meel maro haddi aan laguu furine.Haddaan hadalka loo fiirsan waa kula fogaadaaye.Adoon fiiqda aqoon baad faw la soo tidhiye.Faraha iyo shiishkaba rag kaa fiican baa jira'e.


LIIBAN SHARMAARKE. blackdarwiish@gmail.comhttp://www.youtube.com/user/BlackDarwish?feature=mheehttps://www.facebook.com/profile.php?id=100010500369910https://twitter.com/BLAAKDARWISH+BLAAKDARWISH@GOOGLE+https://plus.google.com/u/0/104984681230285068925/posts