Wax ka baro cudurka dilaaga aamusan ee Dhiig karka.
Posted by ifraax on November 30 2016 22:38:04

Maqaalkan waxaan kaga hadli doona cudurka dilaaga aamusan ee sameeyey dad badan oo ku nool dunada daafeheeda.


Extended News

Maqaalkan waxaan kaga hadli doona cudurka dilaaga aamusan ee sameeyey dad badan oo ku nool dunada daafeheeda.Waxaa maxay dhiigkarku?


Dhiigkarku waa kor ukaca cadaadiska dhiiga taas oo la xidhiidh awooda wadnuhu ku shaqaynayo.Sidoo kale cudurada ay kamid yihiin Macaanka ayaa sababi kara cudurka dhiigkarka taas oo micnaheedu tahay hadii aad Macaan leedahay inaad khatar ugu jirto inaad qaado cudurka Dhiigkarka.Cadaadiska dhiiga ama pressure ka dhiigu waxa uu ku xidhanyahay hadba awooda uu wadnuhu ku shaqaynayo, hadii si kale loo sharaxano waa marka dhiiga wadnuhu tuurayo ama ka imanayaa ee waraabinya dhamaan xubnaha jidhka intiisa kaleuu cadaadis badan oo aan caadi ahayn kusoo tuurayo dhiiga.Cudurka ayaa waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah⦁ Primary: inta badan lama garanayo waxa keena qaaybtan. ⦁ Secondary: waxaa saba dhibaatooyin caafimaad daro oo ay kamid yihiin hoormoonada jidhka  oo khalkhal ku dhaco iyo cudurada ku dhaca xidida kelyaha.Cadaadiska Dhiigu waa laba qaybood oo kala ah.1 Systolic: cadaadiska sare waa marka muruqyada wadnuhu sameynayaan  cadaadiska ay ku tuurayaan dhiiga .      2 Diastolic: blood pressure Cadaadiska Hoose waa marka uu wadnuhu soo karaar qaadanyo, ama nasanayo ee dhiig cusub qaadanayo si uu pump gareeyo.Dhiig Karka ama Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya waxa loo yaqaanaa dilaha aamusan. Waa cudur aan lahayn calaamado digniin ah. Waa maxay sababta dhiig karku halis u yahay? Dhiig karku waa cudur culus. Marka cadaadiska dhiiggu sareeyo ama dhiig kar jiro, wadnahaagu waa inuu u shaqeeyo si ka xoog badan intii caadiga ahayd si uu dhiigga u dhaqaajiyo oo u gaadhsiiyo dhamaan xubnaha jidhka oo dhan. Haddii aan la daweyn, dhiig karku waxa uu kugu kordhin karaa suurogalka inuu kugu dhaco: – xidid dhiig oo maskaxda ka xidhma, dhibaatooyin kelyaha ku dhaca, dhibaatooyin indhaha ku dhaca,  dhimasho.
HABKA LOO CABIRO DHIIGKARKARKA AMA DHIIGABACudurka Dhiigkarka waxa lagu cabira cabir layiraahdo magaciisa (millimeters of mercury mm).Cabirka caadiga ah (normal)  ee cadaadiska dhiigu waa 120/80 ( systolic=12o diastolic 80).140/90 heerkan marka uu dhiigaagu gaadho waxaad ubahantahay  inaad xidhiidh lasamayso dhakhtarka.Waxaana inta badan lacabiraa aroortii iyo galabtii waqtigaas oo ah waqtiga ugu fiican ee qofka dhiigiisu ku jiro xaalada caadiga ah.SABABAHA UU KU YIMAADO DHIIGKARKUSida caadiga ah lama oga sababaha uu ku yimaado dhiigkarku.Lkn waxaa lagu tilmaama in inta badan dhiigkarka uu keeno sababo laxidhiidha deegaanka, culayska qof oo bata iyo qofka oo aan samaynin jimicsi ama socsocod ayaa Iyana kamida waxyaabaha sababa inta badan cudurka dhiig karka.Marka lagaranayo sababt uu kuyimaado cudurka dhiig karku waxaa layidhaahdaa  (Primary or Essential hypertention).Marka sababta uuku yimaado lagaranayo waxa la odhan karaa waxa keenay ama sababay in uu dhigkar yimaado sababahan qaar ka mid ah kuwan hoos ku xusan.⦁ Cuduro ku dhaca xaga kalyaha oo daba dheeraaday (Chronic Kidney diseases).⦁ xanuuno ku dhacay Xidada kalyaha (Diseases of kidney blood vessels).⦁ Khalkhal xaga dheecamada jidhka (Hormonal dis orders)⦁ fiixaha amaburoyinka cancerka.⦁ Sidoo kale hadii qofku dareemo buuq iyo welwel aad ubadan.⦁ Baruurta badan ayaa Iyana sababi karta cudurka ⦁ Cudurka macaanka ayaa isna kamid cudurada keena dhiigkarka Sidee qofku u dareemaa Dhiigkarka.Inta badan lama dareemo calaamado khaas ah, laakiin waxaa jira calaamdahan hoos ku qoran.⦁ madax xanuun/daal/jaha wareer/dawakhaad.⦁ dareenka gacmaha ama lugaha oo taga ama lawaayo numbness⦁ dhiig sanka ka yimaada ama qufac dhiig wata(epistaxis.hymptysis).⦁ neef aad ukhtar ah oo qofka qabata.Raac talooyin wax ku ool ah hadii aad leedahay cudurka dhiigkarka Waxaan kuugu soo gudbin doonaa dhawr talo oo dhaxal gal ah isla markaana caawinaya latacaalida cudurka Dhiig karka. ⦁ Iska cabir caadaadiska dhiiga siaad u ogaato isbedelada kugu imaanaya maalinkasta ⦁ Yaree culaykaaga hadii hadii uu aad usareeyo adoo samaynaya jimicsi sidoo kale adoo isticmaalaya cuntoyinka uu ku yaryahay dufanku.⦁ Iska yare cuntooyinka ay milixdu ku badantahay.⦁ Iska joogi hadii aad cabto sigaarka ama khamriga iyo dhammaan mandooriyaha.Daaweynta cudurka dhiigkarka Hadii aad tahay qof qaba cudurkan ama aad isku aragto calaamadaha aynu kor kusoo xusnay waxaa muhiim ah inaad dhakhtar u tagto si loo hubiyo in aad qabto cudurka.Daawaynta cudurka ayaa ku xidhan in la  ogaado heerka uu marayo cudurku ka hor intaa la daawayn cudurka.

Refrenced by medicine book Somalidoc.com 

W/Q Abdinasir Osman Mohameddheg (mareye)  Kala xidhiidh Nasirdarvish0@gmail.comAma 4681178