Maantana Alla Haw Nxariisto Abwaan Maxamed Jamac Warsame (Kayd)
Posted by ifraax on November 30 2016 22:47:43

Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameerdawada lama gaadhayooanoon weli kuu gedbixingeed dheer bay saaran.


Extended News

Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameerdawada lama gaadhayooanoon weli kuu gedbixingeed dheer bay saaran tahay                     maxamed jamac warsame(kayd)Carigaad tilmaantoocawayskii gudgude helay                          saakana cawa alleesoo celiyey mayayooguulaamo culus iyodirir caal madoowiicidhifkaysla gaadheenoo heego culay ihicamal hoorimaad tahaycaliyaha hilaaciyo onkod cabatay fiintiicabaar ruuxa daawaday fadka caaradiisiyosida sida  sida bulay cad mooyeeinta kale caqligu sixin caynka ay u egyihiin         maxamed jaamac warsame (kayd)                 Hal abuur midho culus abwaan xeel dheer,oo wakhtiga iyo waayuhuba ay qireen,murtiyahan ereyadiisu ay aad saamayn ay kuugu yeelanayaan,abwaan maxamed jaamac warsame(kayd)Alle haw naxariisto qabrigana haw nuuree waxa uu dhashay 1952dii waxaanu ku dhashay Burco halkaasoo uu ku soo qaatay waxbarashadiisii hoose,dhexe iyo sare kadib waxa uu macalin ka soo noqday dugsiyadii dhexe ee muqdisho halkaasuu ka gadaal uu heer jaamacadeed uu kaga dhamaystay kuuliyadii macalimiinta ee lafoole,waxa uu iyanu uu tacliintiisii sare uu ku soo qaatay dalka masar,jaamacadiisii al ashar,wuxuu lahaa saamay aad u balaadhan oo ay qireen intii uu u macalinka ahaa,kuwaasoo jacaylkiisa ay aad u xiisayn jireen,alle haw naxariistee hanaankiisa macalin nimao waxaa iyana kala soo qayb qaatay hal abuurnimadiisa ,taasoo uu ardayda wax ugu gudbin jiray hanaan maanseed farsamaysan oo uu aad u soo dhilay,sidaan ka soo xigtay weriye yuusuf garaad oo uu macalinkiisa ahaa xiligii dugsigiisii dhexe,kaasoo qiray inuu raad aan duugiibin uu ku yeeshay noloshiisa,xasuustiisuna aanay ka sal guurin,taasina waa ta u sahashay inuu kamid noqdo hal abuurada aan la holin karin ee soomaaliyeed,waxaanu xubin firfircoon uu ka mid noqday hoboladii waaber,midhaha heesahan aan ku bilaabay qoraalkaygana waxay ka mid ahyd riwaayadiisii caan baxaday ee la odhan jiray NIN ILAAHAY WAKIISHAY NASIIBKIISA MA WAAYO.              Abwaan Kayd wuxuu inooga tegay taariikh iyo xusuuso badan oo uu inoo ururiyey,taasoo dhamaanteen xil inaga saaran yahay ururinteeda iyo soo saaristeedaba siduu qiray rashiid gadhwayne oo ay ahaayeen saaxiib aad ay isugu dhawaayeen,anigase markii iigu horaysay waxaanu kulanay 1987kii magaalada hargaysa teatherkii hore oon berigaa aanu ku kulanay,waxaan aad ugu faraxsanaa siduu ii qaabilay waayo waagaa waxaan ahaa arday waanay adkayd si loo dhex galo fanaaniintii iyo hal abuuradii wakhtigaa,maadaama aan midho samaynta aan wax ka aqaanay ama aan iskuba dayi jiray hal abuurka,wuxuu ahaa shaqsi qiimihiisa aan aad ugu soo dhiiraday,qof xigmad badan,ku xiise gelinaya aad u furfuran,oo raxmad badan,waxaan go'aan saday maalintaa wixii ka danbaysay inaan aad ugu soo dhawaado,waxaan gacanta ka geliyey riwaayad aan qoray,taasoo aan u hibeeyey balse nasiib daro qoraalkii wakhtigii dagaalada ayay raacday,isaguna umuu yaraysan inuu soo saaro balse waxaanu marlabaad aanu ku kulanay muqdisho 1989kii,wuxuu ahaa adeer fiican oo lagu soo hirto,marwalbana ku soo jiidanayaa,isagoo aan marnaba qiimaynin dadku waxa ay qiimeeyaan ee xilka,maalka da'da,masuuliyada, caruurnimada iyo dhalinyaradaba,kasoo dhamaantood dadku ay u wada sinaayeen.     abwaan maxamed jaamac warsame,marka aan doonayno inaan fahana hal abuurkiisa qaniga ah waxaa muhiim ah inaynu fahano, inuu ahaa ina abwaan waxaa dhalay abwaan jaamac warsame (jaamac dhegoole),jaamac wuxuu aad u necbaa wakhtigiisii dhalinyaro nimo qaadka,kaasoo uu maansooyin badan uu ka mariyey,waxaana ka mid ahaa gabay caan noqday oo la odhan jiray qaadow adigaa leh gabaygaa waxaa qaatay oo sheegtay nin isna geeriyooday  ABSHIR BACADLE waxaana ka mid ahaa midhihiisii      Qaan aan isii laga xishoon qaadaw adigaa leh               waxaa kaloo ka mid ahaa oo uu yidhi 
kol hadaanu qaad iiga bixin qoolaliyo yuuboqandhadhlay dusheediyo hadaan gubado loo qaydinasuu qadhaadh yahay maxaa igu qisaasaaya                          jamac dhegoolemarna isagoo la hadlayaa nimay inaadeer ahaayeen oo qaadka aad u cuni jiray wuxuu yidhi
daan buuxsigani waa intaad dalabka haysaayehadii uu dukaankani kacuu duubto alabkiisaiga walaan budh jabay kuu dirayn nadalo diirkeede                hadaba maxamed jaamac warsame hal abuurkuu wuxuu ka mid noqday halgamayaashii qaranka somaliland u soo halgamay,waxaanu aakhirkii ka soo shaqeeyey nabada iyo wada jirka umadan,waxa uu iyana uu ka mid noqday ahaana intii yarayd ee salka u dhigtay akadeemiyada nabada iyo dhaqanka,abwaanku wuxuu soo noqday agaasimihii guud ee wasaaradiidhalinyarada sportiga fanka iyo suugaanta waaxda dhaqanka,intii ka danbaysana wuxuu ahaa tiir adag oo u taagan horumarka dadkan, iyo dalkan.intiin ugu danbaysay ee uu jiifayna halgamaagu wuxuu curiyey heesta wadada ceerigaabo lagu dhisay ee QABYA TIRA DARIIQEENA     Aqoonyahan Abwaan maxamed jaamac warsame (Kayd) wuxuu shantii sano ee u danbaysay uu la tacaalayey xanuunka faaliga kaasoo asiibay aakhirkiina uu u god galay,abwaanku wuxuu ka tegay xaas iyo inan yar oo uu dhalay waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu eebe naxariistiisa waasaca ah uu ugu deeqo,qabrigana u waasiciyo ,illaahaw janadii fardowsa ugu deeq,bulshada iyo axsaabtiisana waxaan ka codsanayaa in la cafiyo maanta intaasaa khayr ugu filan idina aad u awoodaan           wa bilaahi towfiiq        qalinkii maxamed yaasiin maxamed                           myaasiin143@hotmail.com