Donald Trump Oo Yidhi ma aheyn in uu dalka joogo Soomaaligii weeraray Jaamacada Ohio.
Posted by ifraax on November 30 2016 23:03:49

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaawacay.


Extended News

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaawacay jaamacad ku taalla Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn in uu markii horaba dalka sii joogo.
Weerarkaasi oo Jimcihii dhacay ayaa waxaa geystay wiil Soomaali ah Cabdul Rasaq Cali Cartan oo jaamacadaasi wax ka baranayay.


Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamnka ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi oo 11 qof lagu dhaawacay.
Bogga wakaaladda wararka ee xiriirika la leh kooxdaasi, Amaq ayaa sheegay in wiilkaasi 18 sano jirka ahaa ee bartay cilmiga ganacsiga uu ahaa "Askeri" iyaga ka tirsan.
"Kooxda ISIS ayaa ku faaneysa weerarka jamaacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo'', ayuu yiri, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku qoray.

Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u weeraraan
Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.
Waxay kaloo ugu baaqday in dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la soo dhaafay.