Musuqmaasuq hadheeyay Wasaarada xidhiidhka Golayaasha & Mooganaanta M.Siilanyo
Posted by abdi on December 06 2016 11:20:16

Wasaaradani waa wasaaradaha Qaranka dulsaaraka ku ah ee aan dheef ulahayn dhib mooyee yadoo aan lahayn haba yaraate wax wax soosaar ah.


Extended News

Wasaaradani waa wasaaradaha Qaranka dulsaaraka ku ah ee aan dheef ulahayn dhib mooyee yadoo aan lahayn haba yaraate wax wax soosaar ah   iyo Hagid horumarineed toona ayay ku darsatay Musuq-Maasuq kii ugu darnaa ee somara Qarankan,
Wasaaradan Maxadeedu haba yaraate malaha wax  Aqoon ah haday tahay Wasiir Wasiir ku xigeen iyo Agaasime Guud taasina waxay keentay in ay Hogaamintoodi dhaafi wayodo Musuq-Maasuq iyo Khilaaf Joogto ah.


Wasaradan Aafoyinka haysta waxa ka mida in lacago si badheedh ah loo lunsado oon geedba loogu soo gaban siday noo cadeeyeen ilo wareedyo u dhuun daloola Wasaraddan waxa si joogto ah uga dhaca Khilaafada dhex mara Wasiirka, Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud taas oo daaran Lacagahan Lalabaxaayo oo laysku Maan Dhaafo waxan ka mid ah Lacagahan Mushaharka shaqaalaha oo si Sabab La’aan ah looga Gooyo Shaqaalaha kadibna sifo qaldan loo Isticimaalo.
Wasaaradda Sanadkan 2016 ka waxa loogu daray Misaniyada lacago kala ha dhisme Cusub, Laba Gaadhi Wasiir ku Xigeenka iyo Shaqaale, waaxda research ka iyo waaxda IT-ga, lyo lacag lagu magacaabo kharashka wakiilad oo Wasiirku Account Gaara u Samaystay  kuwaas oo Dhamaantood la lunsaday,
Lacagaha IT-ga , Research, iyo waliba Dhiirigalinta Shaqaalaha iyo Kharashka wakiilada, siday noo cadeeyeen xogo u dhuun daloola cadaan baa lagu qaatay lacagtii Gaadiidkana Wasiirka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa ku iibsaday Laba Gaadhi oo kuwa raaxada ah halka Shaqaaluhuna aanay hayn Gaadhigoodi ay xaqa u lahaayen marka laga yimaado hal V8 oo Wasiir ku xigeenka lo iibiyay Gaadiidkaa yaryar waxaa si Personal ah u leh Labad Masuul ee Wasaaradda ugu sareeya,
Lacagta Dhismaha yada Wali lalama bixin lakin hada lagu Hawlanyahay sidii loola  bixilahaa Dhisme lagu Dhisaayo oo Wasaraddu leedahayna ma jiro ee Waa Xatooyo sida warwarku sheegayaana Khilaaf Cakiran oo hada ka Taagan Wasaaraddu waxaa u Sabab ah Saami Qaybsiga Lacagtaas oo ay Qawadeen Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud oo isku hayb ahi oo uu Wasiirku ka sad Bursaday
Hadaba Maxaa Sababaaya Aafadan Musuq-Maasuqa ee Qaranka Ragaadisay aragtidayda waxay ilatahay General Auditing-ka ayaa Gabay hawshiisii Shaqo ee Qarankan uu u hayay isagoo ka gaabsanaaya wasiirada ku Kacaaya musuqa haday Ha’yadaasi si fiican shaqadeeda u gudanayso Qarankan wax badan baa u badbaadi lahaa.
 
 
 
 
 
 MUSUQ-MAASUQA WASAARADDA XIDHIIDHKA GOLAYAASHA  IYO MOOGANAANTA MADXWAYNAHA JSL. Qaybtii 2aad
Qalinkii Jaamac Yuusuf Kamadare
Wasaraddan oo ah wasaaradda ugu liita Tayo ahaan Hayadaha Qaranka ayaa waxa soo food saaray khilaaf Ragaadiyay Hanaankeedii Shaqo yadoo aan marka horeba Qaban Jirin wax Shaqo ah oo la Taaban karo ama Muuqata oo Qaranka wax tar u leh ayay ku darsata Khilaaf Joogto ah.
Wasaraddan inta badan waxa khilaafku dhex maraa wasiirka iyo Agaasimah Guud khilaafkooduna waxa uu ku sal leeyahay Qabiil yadoo wasiirku awood isku Halaynaayo ah Madaxwayne ku xigeenka ayuu doonaa inuu Talo la’aan wax kastaba isagu Maamulo Talad wasaaradda iyo misaniyadeeduna Gacantiisa uun Ku jirto isagon ka talo galin masuuliyiinta wasaaradda,
Awood shegashadaa Wasiirku waxay keentaa khilaafka joogtada ah ee wasaaradda iyo Fadhiidh nimada, Musuqa, eexda, qabyaalada qaawan  ee wasaarada Aafaysay  taas oo keenta Xataa in shaqaalaha Hab qabiilaysan Mushaharka lagag Jaro
Waxay ahayda 2015 badhtankiisa markii wasiirku shaqaalah si qasab ah kaga jaray qayb ka mid ah mushaharkooda lacagtaas oo uu sheegay in marwadu ku amartay inuu shaqaalah ka jaro una keeno si ay cisbitaal ugu dhisto markii ay waydiiyeen shaqaaluh amarka Qoraalka ah ee ka soo baxay marwada laguna dalbanaayo lacagtan wuxuu ugu hanjabay inuu eryaayo qofkii ka horyimaada amarkiisa,
Taasina waxay cadaynaysaa in uu wasaaradda ka dhgtay kaligii meel uu ka taliyo oo aan xitaa shaqaaluhu xuquuq ku lahayn sababta ugu way nee uu waxaa u samaynayaan waa isaga oo isku halaynaaya awooda meesha ku haysa,
Waxaan so bandhigi doonaa INSHA ALLAAH Cadaymo ah lacagaha la lunsaday ee wasaadda intii ay Jirtay
 
Jaamacyuusuf52@gmail.com