Mareykanka oo eryay 35 diblomaasi oo dalka Ruushka u dhashay.
Posted by abdi on December 30 2016 23:21:30

Mareykanka ayaa eryay 35 diblomaasi oo dalka Ruushka u dhashay kuwaasoo uu ku eedeeyay u dhicitaanka kombuyuutarada xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka.


Extended News

Mareykanka ayaa eryay 35 diblomaasi oo dalka Ruushka u dhashay kuwaasoo uu ku eedeeyay u dhicitaanka kombuyuutarada xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka doorashadii sanadkaan 2016 taasoo uu sheegay inay wax ka baddaleen sidaana Donald Trump ay ku caawiyeen inuu guuleysto!



Cunaqabateyno badan ayaa lagu soo rogay diblomaasiyiinta Ruushka wixii ka dambeeyay markii eedaasi soo shaac baxday. Sidoo kale ayaa waxaa wararku nagu soo gaarayaan in la xiray meelo badan oo Ruushku ku lahaa Mareykanka gudihiisa.

"Waxaan amar ku bixiyay tillaabooyin dhowr ah oo ka dhan ah gar darrada dawlada Ruushka." Ayuu yiri Obama.

Meelaha la xiray ee dawlada Ruushku lahayd ayaa kuyaal New York iyo Maryland Mareykanka.

Diblomaasiyiintaa ayaa la amray in ayaga iyo qoysaskooduba isga baxaan si dhaqso ah dalka Mareykanka.

Ruushka ayaa la filayaa asna inuu dalkiisa ka eryo diblomaasiyiin Mareykan ah.
 

Hargeysa Online