Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho.
Posted by abdi on January 01 2017 22:53:20

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ku kala saxiixday,magaalada Muqdisho.


Extended News

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ku kala saxiixday,magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan joojinta xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo.


Hishiiskan mar kale ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana si rasmi ah hishiiska u saxiixay madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed C/wali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed.
Waxaa goob joog ka ahaa  munaasabada hishiiska lagu kala saxiixday, madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ra’iisal wasaare Sharm’arke iyo wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating.
Marka la eego qodobada lagu hishiiyay waxaa ka mid ah in dib loo furo isu socodka magaalada Gaalkacyo iyo in ciidamo boolis isku dhaf ah la geeyo goobaha dagaalada ka dhaceen.

 

Ugu danbeyntii, waxaa kaloo labada dhinac ay isku afgarteen in bisha labaad ee sanadkaan la iskugu yimaado kulan looga hadlayo amaanka magaalada iyo waxa hishiisyadii la gaaray ka dhaqan galay.
Horay labada madaxweyne ayaa hishiis kan oo kala ah ku kala saxiixday magaalada Gaalkacyo, hasse ahaatee waxaa hishiiskaasi ka danbeeyay shaqaaqo dhaxmartay labada dhinac oo ay dad ku dhinteen.

Hargeysa Online