Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku soo baxday doorashada xubnaha aqalka hoose ee G Waqooyi
Posted by abdi on January 01 2017 23:07:28

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay u soo noqotay ra’iiasal wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.


Extended News

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay u soo noqotay ra’iiasal wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, ayaa maanta ku soo baxday doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa natiijada doorashada ku dhawaaqay guddiga heer dowlad gobolleed oo sheegay in Fowsiyo Yuusuf, heshay codadkii la dhiibtay  45 cod.

 
Waxaa siddoo kale xubnaha maanta ku soo baxay kuraasta aqalka hoose ee gobolka W/qooyi ka mid ah Muuse Ismaaciil, oo helay 48 cod.
Ugu danbeyntii, doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya gobolada waqooyi ayaa maraysa heer gabogabo ah.

Hargeysa Online