Maayarka Hargaysa Oo Awood Ciidan Ku Joojiyay Dhismihii Wadada Airportka Hargaysa.
Posted by abdi on January 03 2017 07:19:25

Dawlada hoose ee caasimada hargaysa ayaa maanta joojisay waddo muhiim ahayd oo ay ka wadeen Madaaraka hargaysa taas oo si wanaagsan u socotay.


Extended News

Dawlada hoose ee caasimada hargaysa ayaa maanta joojisay waddo muhiim ahayd oo ay ka wadeen Madaaraka hargaysa taas oo si wanaagsan u socotay isla markaasna soo jiidanaysay indhaha caalamka madaama oo madaarka hargaysa wadadaasi ka imanaysay dayactir wanaagsana lagu waday.

Ilo xogogaal ah  ayaa sheegaya in maayarka hargaysa amar ka soo baxay lagu joojiyay taas oo lagu salaynayo dadka u dhawo wadadaasi inaanay cashuurta si wanaagsan u bixin isla markaasna Aan loo dhisayn.


Khilaaf xoogan oo ay arintaasi ka dhashay ayaa lasoo tabinayaa inuu u dhaxeeyo maayarka iyo maayar ku xigeenka oo isku khilaaf inaan hawshaasi la joojiyo iyo inaan la joojin,waxaana ay u muuqataa mid uu dhaqal galay amarkii maayarka oo joojiyay wadadaasi oo muhiim ahayd.

Wadadan ayaa waxa ay ka imanaysaa xaafadda masalaha Ee Koonfurta Hargaysa siiba Airportka hargaysa taas oo dhawaan uun ahayd markii maayarku warbaahinta ka sheegay in ay bilaabeen wadadani si wanaagsan u socoto.

Hargeysa Online