Meydadka laga soo saaray bur burka dhismayaashii ku dumay qaraxii shalay Muqdisho.
Posted by abdi on January 03 2017 22:54:25

Waxaa muuqata in wali uu sii kordhayo khasaarihii ka dhashay Qaraxii maalintii shalay lagu weeraray  garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.


Extended News

Waxaa muuqata in wali uu sii kordhayo khasaarihii ka dhashay Qaraxii maalintii shalay lagu weeraray  garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Meydadka labo ruux oo rayid ah ayaa maanta laga soo saaray bur burka dhismayaashii maalintii shalay ku dumay qaraxyada.


Dad goob joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guri aan ka fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay oo ka mid ahaa dhismayaashii bur buray laga soo hoos saaray meydadka wiil iyo gabar ka mid ahaa dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay qaraxyada.
Qaraxyadan oo lagu fuliyay labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka mid ahaa weeraradii ugu  cuslaa ee dhawaan ka dhaca magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Meydadkan maanta laga soo hoos saaray dhimayaasha bur buray ayaa sare u sii qaadeya tirada dhismashada qaraxyadii shalay oo ay ku nafwaayeen askar iyo dad shacab ah.
Ugu danbeyntii, Ururka Al-shabaab ee dagaalka xoogan kula jira dowladda federaalka iyo ciidamada howlgalka AMISOM ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadii shalay.

Hargeysa Online