Madaxda dhaqanka Somaliland ayaa iska horkeenay Muuse biixi iyo Cabdirahman Cirro.
Posted by abdi on January 04 2017 23:14:41

Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani.


Extended News

 

Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidoo kale waxa iyaguna kulanka joogay xisbiga UCID.
Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay koox salaadiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Aadan Faarax iyo salaadiin kale, waxa markii u horaysay la isugu geeyay kulan qado ah oo ka dhacay hoteelka Maansoor, iyadoo markii dambe kulan fadhi ah la isugu tagay guriga Suldaan Ismaaciil.
Sida ay ilo xogogaali Hargeysa Online u sheegeen salaadiinta ayaa kulankaas ku soo bandhigay laba qodob oo uu mid ka mid ahi gaar u khuseeyay xisbiyada KULMIYE iyo Waddani oo maalmihii u dambeeyay hadalo dhiilo leh hawada isu marinayay. Qodobka koowaad ayaa ahaa inay labadaas xisbi joojiyaan hadalda xanafta leh ee shacabka ku furaya tushuushka islamarkaana keeni kara kala qaybsanaan shacabka ka dhex bilaabanta.
Qodobkan ayay siyaasiyiintii ka socotay Waddani iyo KULMIYE oo ay kala horkacayeen Cabdiraxmaan-Cirro iyo Muuse Biixi, balan qaadeen inay joojinayaan islamarkaana bilaabayaan wada shaqayn cusub.
Qodobka labaad ayaa isna ahaa in la isla garto in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo qorsheeyay maadaama oo ay abaar adagi dalka ka taagantahay.
Qodobkan ayay saddexda xisbi kaga jawaabeen in loo daayo hay’adaha qaranka ee ku shaqada lihi inay go’aan ka gaadhaan arrimaha doorashada.
Salaadiinta ayaa aad ugu dheeraaday ka warbixinta xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sida ay u adagtahay in doorasho qabsoonto March 2017, waxaanay xisbiyada u soo jeediyeen inay joojiyaan ololaha oo ay u gurmadaan dadkooda baahan ee abaartu heshay.
KULMIYE
Dhinaca xisbiga KULMIYE, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa
1. Muuse Biixi Cabdi
2. Maxamed Kaahin Axmed
3. Cabdicasiis Maxamed Samaale
Waddani
Xisbiga Waddani, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa
1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
2. Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Xuseen Axmed Caydiid
UCID
Waxa xisbiga UCID ka socday saddex xubnood oo kala ahaa
1. Maxamed Cali Madoobe (Jiir)
2. Cabdinaasir Yuusuf Qodax
3. Maxamed Xasan Khayre
Kulankan ayaa waxa qalbi furan ku soo dhaweeyay shacabka Somaliland oo ku dhego barjoobay hadalada taag-taagan ee ay labadan xisbi ee Waddani iyo KULMIYE hawada isu marinayeen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka Somaliland.

Hargeysa Online