MUUSOW ADEER JIIB NOWM TAANI (Hurdo kale keen)
Posted by abdi on January 12 2017 23:45:00

caqliga iyo garaadka koran ee caafimaadka qabaa marka horeba been abuurkan wuu garanayay,maskaxda aqoon dhalasheedka.


Extended News

caqliga iyo garaadka koran ee caafimaadka qabaa marka horeba been abuurkan wuu garanayay,maskaxda aqoon dhalasheedka lihina way u cadayd inay ahayd waxani wax lasoo malmaluuqay,ninkii guul iyo cimri dherer ka dhiganaayeybeentan cad iyo sawiradab footoshobka ah isaga iyo intii taageersanaydba muran cad ayay indhaha isku soo qabanayeen,waxay rumaynayeen been inta laga daba yimaado cidlo ku soo af ga'aysa,waxay dhiiranaan dood uga dhiganayeen, denbi kii agabkiisa lagu sameeyey uu maruun ka xaal bixin doono,waxay lahaayeen maxkamad cid halagu saaro qudhun ay qarqoosheen,iyo munaafaqad cad oo ay iyagu sameeyeen, kaasoo mulkiilihii jariidada ee eeda laga galay ay khasab tahay inuu maruun beenin doono,sidaa maantaba aad aragtaan,
wax la yidhi askari waa askari,mayaqaan siyaasad aan ka ahayn tii qaaxo,waxaa laysheegay in xaajigu guul u yaqaan in intaan laysba gaadhin laysasii naco,waa libinta calancasta in la badiyo been abuurka,munaafaqada,baqdin gelinta,budhaynta iyo in inamo yaryar oo CIYAAL EY loo bixiyey loo samaysto hawlaha tartan kii uu yahayba,waxxay xogagaalku ii sheegeen in xaajigu wakhtiyadii Cabdiraxmaan Tuur iyo alle labadoodaba haw naxariistee Cigaal uu lahaa kudlad la odhan jiray CIYAAL EY kuwaasoo muuse biixi uu u haystay inay u yihiin awood uu muquunintooda uu ku cabsi geliyo,waana ta madaxwayne siilaanyona xiligiisan taariikhdii mugdiga ahayd dhalisay ee la baxday qaraxyadii shaanida. MASUULIYIINTII WADANINA lagu weeraray barkhad iyo gudoonka dhalinyarada
Doraadna kalsan wuxuu soo dhigay muuqaal war saxaafadeed ah oo uu ku cadaynayo beentii ay isku soo kabkabeen labadii weriy ee Mo Yousof Bakayle iyo Abdirisaaq Yusuf Cali "Terra" waan ka xumahay wixii dhacay iyo ficilkoodii,samaanta lagu abaal mariyey,maantana waxaa xiisaanku u go'ay isku daygii labaad ee been abuurka ahaa kaasoo maanta soo afjarmay iyadoo warbaahinta STAR ay cadaysa in muuqaaladaas ay ahaayeen sida sawirkan ku cadbeenabuur raalina ay siiyeen madaxdii iyo xisbiqarameedkii ay intaasoo dhibaato ah ay u gaysteen iyagoo uu soo adeegsaday xisbiga muxaafidka ah ee cabsida kalsooni daro ay hayso.
waan ka xumahay siyaasiyiinta muxaafidka ah halka ay la marayso cabsida ka soo wajahday xisbiga mucaaridka ah,waxaanse talo kusiinayaa,ha hilmaamina in wax kasta ay ka wayn tahay qaranimada aad aadka u liidaysaan,hana moogaanina in xisbiga WADANI iyo UCID inay yihiin asxaab qaran iyo tiirarka dimuqraadiyada marnabana aan laga maarmi karin,ta kale xusuusnaada inaan qarankan aanay jirin cid mardabe meel kale gayn kartaa,bulshadu iyagaa midnimada iyo kala tagaba go'aansada,markaa hadii aad qabtaan inaad idinku koonfur dadka gayn kartaan been ayaad isu sheegteen ADEER JIIB NOOM TAANI